Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in caruutan uu gubay aabahood oo la sheegay inay sida la sheegay dhibaato qoys haysatay, waxaana sidaasi noo sheegay mid kamida dad goob joogayaal ahaa oo ay shabakada Ramaasnews wax ka waydiisay.
Saddexdan caruura iyo aabahood ayaa hada lasoo gaadhsiiyay cusbitaalka magaalada hargeysa.
Mid kamida dhakhaatiirta ka hawl gala magaalada hargeysa oo aan la xidhiidhnay aya noo sheegay inay saddexdii caruur ahaa ay mayd yihiin halka aabihii dhalay caruuratana aanay waxba kula jirin oo uu dhaawac halis ah yahay, xaaladiisa caafimaadna ay la tacalayaan dhakhatiirta cusbitaalku.
Ilaa hada ma jiraan warar rasmi ah oo la taxaluqda sababta uu aabahani u gubay saddexdan caruura ee uu dhalay.
Magaycada marxuumiintan dhintay iyo sababta rasmiga ahba kala soco shabakada wararka SaxilNEws