Haraaga sigaar la isticmaalay oo horseeday in la soo qabto eedeysane 35 sano la raadinayay

0
18

Florida (saxilnews.com) Caddeynta hiddo-sidaha DNA oo laga qaaday sigaar la isticmaalay ayaa horseeday in booliiska Florida ay soo xiraan nin looga shakisanaa inuu dilay haweeney 35 sano kahor.

Daniel Wells, oo 57 sano jir ah, ayaa lagu xiray Pensacola horraantii toddobaadkan isagoo loo haysto dilka Tonya McKinley.

Ms McKinley ayaa 1-dii January sanadkii 1985 la helay meydkeeda oo ay ka muuqatay in la kufsaday, waxayna ka tagtay hal wiil.

Kiiskeeda ayaa noqday mid aan la xallin, balse booliiska ayaa sheegay in DNA laga qaaday xogta bulshada ay sababtay in Mr Wells lala xiriiriyo dilkeeda.

“Ma ogeyn in ay tani dhacayso,” ayay tiri Renee oo ah Ms McKinley walaasheed. “Runtii uma maleyneynin inay tani dhacayso intaan noolahay, iska daa 35 kaddib.”

Booliiska Pensacola ayaa sheegay inay wareysteen saaxiibbadeed iyo qoyskeeda.

Booliiska ayaa sidoo kale la hadlay dad kale oo u dabaaldegayay Sanadka Cusub oo ku sugnaa maqaayad ay markii ugu dambeysay joogtay haweeneyda la dilay oo xilligaas 23 jir ahayd.

Balse wixii ka horreeyay toddobaadkan, lama sheegin cidda looga shakisan yahay.

“Inkastoo la hayay caddeymo, wareysi bandanna la qaaday haddana kiiska ayaa laga gaabiyay,” ayuu yiri booliiska. “Isla xilligaas, wiil yar ayaa hooyo la`aan koray, waaliddin ayaana duugay gabadhooda, dilaa ayaana si xor ah isaga soconayay”.

Sidee ayay booliisku ku heleen eedeysanaha?
Guusha booliiska ayaa timid kaddib markii ay iyagoo ku hubeysan DNA ee laga qaaday meydka McKinley iyo agagaarka goobta lagu dilay ay barbar dhigeen xogta furan e dadweynaha ee caddeynta DNA-da.

Xogta ayaa u horseeday booliiska Pensacola inay ay helaan dad dhowr ah oo la rumeysan yahay inay qaraabo fog la yihiin Mr Wells.

Kaddib markii la ogaaday’ baaritaan dheer ayaa horseeday in lasoo qabto Mr Wells.

Booliiska ayaa dabagaly kaddibna DNA ka qaaday sigaar uu ka soo tuuray gaarigiisa.

Mr Wells ayaa lagu soo eedeeyay darajada koowaad ee dilka iyo darajada koowaad ee kufsiga, waxaana lagu hayaa Xabsiga Escambia.

Weriye Gamuute Cumar Kujoog
Berbera Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here