Ceergaabo (SAXILNEWS.COM)_Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mr Warancade oo Ku Gadoomay Jidka Dheer ee Isku Xidha Ceerigaabo iyo Burco, iyo Waran Cade oo Amaankiisa u Baqay
Wefti Balaadhan oo in Mudo ah Xaalad Nabadayn ah Ujoogay Magaalaa Ceerigaabo kaas oo uu Horkacayay Wasiir Waran Cade , ayaa Soonoqod koodi Waxa ay Kuxanibmeen Jidka Qarfada ah ee Isku Xidha Ceerigaabo iyo Burco, Roobab Jira Awgeed, Dhamaan Gaadiidkii ay Weftigu Wateen oo uu Kijro Gaadhi Wasiir Warancade iyo Gaadiidkii kale ee Ilaada Ahaa waxa ay kuwada Limbadeen Dhiiqada Jidka, iyag oo Waayay Hal Gaadhi oo kabaxa.
Xanibaadan ayaa Waxa ay Cabsi Galisay Sida Lasheegay Wasiira Arimaha Gudaha -Mr Warancade iyo Masuuliyiintii kale ee Lasocotay oo uu Kamid ahaa Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Mr Cadami, Waxana Wararku Tibaaxeen in Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Cali Waran Cade oo Ciidamada Qaranka ee Ceerigaabo Degan uu Gurmad iyo Xoojin Amaan Kadalbaday, Waxan Xogo Wareedyadu Intaas kudareen Taliyaasha Ciidamada Qaranku Wasiirka ugu Laab Qaboojiyeen in aay Wax Dhibaaato ah Kajirin Jidka Udhaxeeya Ceerigaabo iyo Burco, Sidoo kalana ay ay Adagtay in Ciidamo loosoo Diro Maadamo ay Jidadku Wada Go,anyiin.
Sida Sawirada Kamuuqata Wasiirka ayaa Heegan Culus Galiyay Tiro Ciidamo ah aan Badayn Kuwaas oo uu Amaan Ahaan ukaxaystay