Halkan Ka Akhriso Tirada Dadka Xalay Saqdii Dhexe Buuhoodle Ugu Geeriyooday Xanuunka Shuban Biyoodka+Magacyada Dadkaasi Iyo Xaaladda Buuhoodle Oo Meel Adag Maraysa

0
20
Hargeysa(Saxilnews)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa waxay sheegayaan in xalay saqdii dhexe ay gudaha Buuhoodle ugu geeriyoodeen xanuunka Shuban Biyood  laba qof oo uu asiibay xanuunkaasi.

Waxaana labadan qof ee geeriyooday oo ahaa laba nin magacyadoodu kala ahaayeen Cabdilaahi Xasan Matalowdo iyo Cabdi Cabdilaahi Aadan Caws kuwaas oo muddoba u jiifay xanuunka shuban biyoodka intaasi ka dibna xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Buuhoodle.

Dhinaca kale wararka Ramaasnews ay helayso ayaa waxay sheegayan in shalay xanuunka Shuban Biiyoodka ay deegaanada Buuhoodle ka tirsan ugu geeriyoodeen Sagaal qof oo iskugu jiray dadka ay abaaruhu caydheeyeen ee kusoo hayaamaday Buuhoodle iyo dadka deegaan ahaan u dagan kuwaas oo dhamaantood u geeriyooday xanuunka SHuban Biyoodka.

Xaaladda Buuhoodle ayaa waxay wakhti xaadirkan maraysaa meel adag oo u baahan in gurmad deg deg ah loo fidiyo isaga oo xanuunka Shuban Biyoodku uu faro baas ku hayo dadkaasi,waxaana maalin walba isa soo taraysa dhimashada dadka uu asiibay xanuunka Shuban Biyoodku.

Gabgabadiina Buuhoodle ayaa hadda waxa ku sugan dhakhatiir ajaanib ah iyo kuwo ka socda wasaaradda Caafimaadka Somaliland kuwaas oo la tacaalaya dadka u jiifa xanuunka shuban Biyoodka oo tiradoodu kor u dhaaftay 450 qof oo u badan caruur iyo waayeel kuwaas oo yaala goobaha caafimaad ee magaalada Buuhoodle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here