Halkan Ka Akhriso Magacyada Laba Mujaahid Oo Xukuumadda Somaliland Xabsiga U Taxaabtay+Deegaanka Ay Kasoo Jeedaan Iyo Sawirada Mujaahidiinta Oo Katiinadaysan Saaka Laga Soo Qaaday.

0
16
Hargeysa(Saxilnews)-Xuumadda gabal-keedii sii dhacayo ee KULMIYE ayaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa u taxabtay laba Mujaahid oo qayb ka soo qaatay halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xorreeyey,kuwaas oo doraad loo taxaabay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa labadan Mujaahid Xasbiga dhigtay doraad iyadoo aan wax waran Maxakamadeed ah loo gayn, ilaa hadda la garan-maayo sababta dhabta ah   ka damabaysa xadhiga labada Mujaahid oo maalintii sadexaad ku jira Xabsiga balse waxa loo malaynayaa inay ka damayso kadib markii ay ka haddleen xus loogu baroor-diiqaayey dhalinyaradii ku geeriyootay iska hor imaadkii dhex maray dhalinyaradii taageersanayd xisbigii Xaqsoor iyo ciidamada Booliska Somaliland taasi oo xaflada lagu xusayey ay 7-dii bishan aynu ku jiro ka dhacday Magaalada Hargeysa,isla markaana ay  ka qayb-galeen munaasabadaasi  kana haddleen  halkaasi labada masuul.

Dhanka kalena labadan Mujaajid  ayaa lagu sheegay magacyadood Mujaahid Cali Curi Iyo Mujaahid Ibraahin iyadoo saaka la keenay Maxakamadda iyagoo labadood ay katiinatadi iskugu xidhantahay. balse dib loogu celiyey xasbigii dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaase xusid mudan in labadan Mujaahid ee xidhani  ay  ka soo jeedaan gobolka Hawd.

Gabagabadiina xadhigan ay xukuumadda Somaliland kula kacday labadan Mujaahid Ayaanay ila hadda ka hadal xukuumaddu sababta rasmiga ah ee ay xabsiga ugu taxaabtay.

1 2 3 4 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here