Halkan Ka Akhri Xaalada Ay Ku Sugan Yihiin Deegaanadii Degmada Ceel-afwayn Ee Shalay Shaqaaqadu Mar Labaad Ka Dhacday

0
15
 Hargeysa(Saxilnews) -Warar naga soo gaadhaya magaalada Ceel-afwayn soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in xaalada deegaanadii ay ka dhacday shaqaaqadu ee Dogoble,Darar-wayne iyo deegaanka Siin-caro oo shalay subax ay ka dhacday dirir mar labaad u dhaxaysa beelo walaalo ah oo wada dega degmada ceel-afwayn ee gobolka sanaag ay tahay mid kacsan oo laga dareemayo sansaan colaadeed,

Waxaana naloo sheegay in deegaanadaasi iyo waliba degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag-ba ay la wareegeen amaankooda ciidamo tiro badan oo  iskugu jira ciidamada Militeriga,Booliska iyo waliba ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du,iyaga oona dhamaan deegaanada sida la sheegay kusoo rogan bandow.

Sidoo kale waxa iyaguna degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag ku sugan xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumadda somaliland,cuqaal,salaadiin,waxgarad,boqoro iyo waliba xildhibaano ka kala socda labada gole qaran kuwaasi oo dhamaantood u joogay soo afjarida shaqaaqadii dhawaan deegaano hoos yimaada degmada Ceel-afwayn ku dhex martay laba beelood,shaqaaqadaasi oo ay xukuumaduu kasoo saartay go’aamo aan wali dhaqan galin.

Xaalada guud ee deegaanadan ayaa ah mid kacsan iyada oo xukuumadda Somaliland iyo ciidamada qarankuna ay ku mashquulsan yihiin xal u helida colaadan mar kale kasoo cusboonaatay deegaanada gobolka sanaag gaar ahaana degmada ceel-afwayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here