Caalamka ayaa noqday meel aan la isku halayn Karin tan iyo intii uu madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump bilaabay siyaasdahiisa ku salaysan hormarinta danaha Mareykanka iyo hadalada qalafsan ee ka yaabiyay wadamada ay saaxibadda yihiin.
Balse arrintaasi ma waxa ay caalamka ka sii dhigaysaa meel sidii hore ka sii halis badan?
Maya ayaa la oran karaa marka la eego waxa dhacay.
Madaxwayne Trump ayaa laga yaabaa in hadaladiisa qalafsan ee uu soo dhigayo bartiisa Twitter-ka ay sababeen cabsi,balse ma uusan lumin wali wadamadii ay saaxibada ahaayeen ee su’aalaha uu ka keenay .
Ma bilaabin dagaal cusub waxa uuna inta badan raacay raadkii madaxwaynihii ka horeeyay, Barack Obama.
Inkastoo uu gilgilay arrimaha balse haddana ma uusan qarxin.
- Waa kuma Donald Trump?
- Maxaa ilaa iyo hadda u qabsoomay Trump?
- Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan
Balse abaanduulahan qayrul caadiga ah ma waxa uu qarka u saaray dunida xasarad?
Guusha bariga dhexe -kooxda dowlada Islamka
Tan iyo intii uu xilka qabtay madaxwayne Trump kooxda la baxday dowladda Islamka ayaa lagaga adkaaday dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Kooxdii la baxday khilaafada Islamka ee IS ayaa la cirib tiray islamarkana haraadigooda ayaa imika baxsad ku jira.
Kooxdani way jiraan qaybo kale oo caalamka ka mid ah oo ay wali ku firfircoon yihiin ,balse waxa ay noqdeen kuwo la jirid siibay oo halistooda la yeereeyay.
Dib u soo laabashada dagaalkii qaboobaa
William Perry oo ahaan jiray xoghayihii gaashaandhiga xilligii Bill Clinton ayaa sheegaya in Mareykanka iyo Ruushka oo arrima badan isaga hor yimaada ay tahay mid leh khatartii dagaalkii qaboobaa.
“Sababtoo ah Ruushka iyo Mareykanka ayaa iska hor imaanaya taasi oo ay caddaawad la socoto abuuraysana halis ah dagaal qabow,” ayuu yiri Mr Perry.
“iyada oo ay sabab u tahay Mareykanka iyo Ruushka oo dib u dhisaya hubka Niyukleerka taasi oo dib u abuuraysa halis militari oo ah dagaal qabow”ayuu intaa ku daray.
Faragalintii lama filaanka ahayd ee madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku sameeyay Ruushka xilligii Mr Obama ayaa waxay joojisay in ay wadahadalo micno leh ay yeeshaan labada dhinac.
Mr Trump ayaa isagu qaba rabitaan badan oo ku aadan in uu la hadlo Mr Putin.
- Dunida Muslimka oo dibadbaxyo uga jawaabtay go’aankii Trump ee Qudus
- Afar Arrimood oo laga fahmay go’aankii Trump ee Qudus
- Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga
Balse lama hadli karo ,iyada oo ay jirto xiisadda ka dhalatay muranka in Ruushka ay galangal ku lahaayeen ololihiisii doorashada.
Xiriirka Ruushka iyo Mareykanka ayaa imika ka sii xumaaday sidii uu ahaa xilligii uu madaxwayne Obama xilka hayay.
Dublamaasiyaddii oo hoos u dhacda
Madaxwayne Donald Trump ayaa caddeeyay in uu Janaraalada ka door bidayo dublamaasiyiinta.
Waxa uu soo jeediyay in la dhimo miisaaniyada wasaarada arrimaha dibadda ,waxa uuna yareeyay galagalka dublamaasiyada ay ku leedahay go’aanada ammaanka qaranka.
Uma muuqo Mr Trump mid fahmaya amaba dan ka leh dublamaasiyada.
Dublamaasiyadda ayaa ah daryeel caafimaad oo ka hortag ah -waxa ay xalisaa dhibaatada ka hor inta aysan dagaal isu badalin.
Haddii ay dublamaasiyada wiiqanto ayaa waxa waxaa laga yaabaa in dagaal yimaado.
Mareykanka oo dib u guranaya
Mr Trump ayaa bilaabay in uu dib uga gurto ku lug yeelashada Mareykanka heshiisyo caalami ah oo xalin lahaa dhibaatada caalamka.
Waxaa tusaale wanaagsan noqonaya in madaxwayne Trump uu ka baxay heshiiskii isbadalka cimilada ee Paris.
Mid aan la isku halayn Karin oo aan la saadaalin Karin
Waad ku doodi kartaa in Donald Trump shaqsiyadiisa aan la saadaalin Karin ay ka xoog badan tahay ka go’naashiyihisa in danaha Mareykanka wax waliba laga hormariyo.
Waxa ay arrintan carqalad ku keentay siyaasaddii arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Waxa ay arrinta u leexatay qoraaladiisa uu soo dhigo barta Twitter-ka oo noqday kuwo khilaafsan hadalada saraakiisha sarsare.
Taageerayaasha Mr Trump ayaa ku tilmaamay in uu yahay nin aan la saadaalin Karin.