Berbera (Saxilnews.com)-Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxay ka mid tahay magaalo-xeebeedyada qadiimka ah ee ku suntan taariikhda iyo xaddaaradda Mandaqadda Geeska Afrika, gaar ahaan waxay Berbera caan ku tahay ganacsiga iyo isu-socodka geeska Afrika.
Magaalada Berbera oo muddo dheer calanka u sidda horumuudka marinka ganacsi iyo xaddaaradeed waxay muddo dheer hoy u ahayd quwado shisheeye oo ka soo talin jiray Mandaqadda, sida Ingiriiska, Maraykanka, Ruushka iyo dawladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiinta la odhan jiray, wakhtiganna loo yaqaanno Turkiga. Kuwaasoo, magaalada Berbera kaga tagay aataar qadiimi ah iyo dhismayaal boqollaal sano ka hor laga bineeyey.
Inkasta oo goobaha qadiimiga ah badankoodu u muuqdaan kuwo raadkoodu sii baabba’ayo, haddana waxa weli sii muuqda goobo ka turjumaya aataarta qadiimiga ah iyo raadadkii dawladaha aynu soo sheegnay kaga tageen magaalada Berbera ee dalka Somaliland.
Waxa ka mid ah waxyaabaha mucjisada ah ee aataaraahaas Xabaalaha loo yaqaanno XABAALAHA SAADADA, oo sida la sheegay noocoodu ku yaallaan waddammada Suuriya iyo Masar labo magaalo oo ka mida. Xabaalahani Badda waxay u jiraan wax ka yar 10-Mitir, ballacoodu waa illaa ugu badnaan 70-mitir waana luuq dheer oo Badda xeelligeeda raacsan, dherer ahaanna waa illaa Hal Km iyo Badh, waxaana dadka aasa 2 qof oo kaliya looma baahna dad badan, mana jirto xabaal bilaash la qodayaa. Akhriste goobtan mucjisada ah waxa la isticmaalayay qarniyo waana xabaalo taariikh badani ku duugan tahay.
Haddaba, sida ku cad taariikhda magaalada Berbera waxa degganaa qoomiyado kala duwan, waqtiyo kala geddisanna ku noolaa ahaana qaar kala dhaqan ah, kala Diin ah, kala midab ahaa, qoomiyado kala duwanna kasoo kala jeeday, iyadoo qoom walba lahaa goobtii uu wax ku caabudayay,sida Masaajiddada, Kaniisadaha, Macbadyada iwm.
La soco qaybta labaadan ee mawduucan oo ay Bahda Shabakadda Berberanews idiinku soo gudbin doonaan waxyaabo xiiso badan oo la xidhiidha taariikhda aynu wax ka taataabannay ee magaalada Berbera iyo macluumaad faahfaahsan oo aannu idiinka hayno.