War murtiyeed ka kooban todobo qodob ayaa laga soo saaray shirkii wada tashiga ee labadii maalmood u socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedkada, iyadoo Guddiyo afar dhinac ah ay isla wada gaadheen qodobada looga hadlayay shirka.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa saxaafada u aqriyay qodobada lagu heshiiyay, iyadoo Madaxweynaha iyo Madaxda Maamul goboleedyada ay soo dhoweeyeen heshiiska.