Hadhimo Sharafeed Qaddo Ah Oo Uu Maanta U Sameeyay Gudoomiye Cirro 50 Odey Oo Ah Beesha Abokor Muuse (Ciidagale) Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay+Sawiro

0
16
Hargeysa(Saxilnews)Hadhimo sharafeed qaddo ah oo uu maanta u sameeyay gudoomiyaha xisbiga WADDANI ardaayada Abokor Muuse ee Ciidagale ayaa maanta  ka dhacdey hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

kulankan Qado sharafta ah waxaa goob joog ka ahaa 50 odey oo ah odayaasha wax garadka iyo madax dhaqameedka beesha Obokor Muuse ee Ciidagale iyo waliba todoba caaqil ee beesha ah.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley cuqaasha Beesha ee kulankan goob jooga ka ahaa oo u mahad naqay gudoomiyaha xisbiga marti qaadka uu u sameeyay,waxaanay cuqaashu sheegeen in ay taageersan yihiin xisbiga WADDANI lana garab taagan yihiin hiil iyo hoo iyo cod iyadoo beeshu hore ugu qasaartay taageeradii xisbiga KULMIYE maantana beeshu dhinaca ka wada istaagi doonto musharaxnimada Cirro iyo xisbiga WADDANI.

Sidoo kalena odayaashii,waxgaradkii iyo madax-dhaqameedkii kulanka goob jooga ka ahaa ee ka socday beesha Abokor Muuse ee Ciidagale waxay Cirro usoo bandhigteen codsiyo,kana aqbalay gudoomiyaha xisbigu.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay waxgaradka beesha iyagoo ka sheekeeyay miisanka ay beeshu ku leedahay gobolkan Maroodi-Jeex oo ay imika ku leeyihiin sadex xildhibaan oo ay beeshu codkeeda ku soo dooratay, laba xildhibaan oo aqalka wakiilada ah iyo mid deegaanka caasimada Hargeisa ah beeshuna maanta ay miisaankeeda ku biirin doonto xisbiga waddani ka dib markii ay ku hungoobeen kulmiye

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa xubnihii beeshu ugu sharraxnaa golaha wakiilada. Kulanka waxa odayaasha iyo waxgaradka beesha iyo gudoomiye Cirro isla garteen mansabyada uu siin doono haddi uu doorashada ku guulaysto

Caaqil Maxamed Weerer

Caaqil Cabdi Jaamac

Caalin Nuur iyo Caaqil Aabi.

1245678910111213 

 

 

 

Ramaasnews-desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here