Ha iibsanina alaabta Faransiiska: Su’aalaha la xiriira qaadacaadda Waqooyiga Afrika

0
23

Ololaha qaadacaadda alaabta uu soo saaro Faransiiska ayaa ku baahay dalal badan oo Carab ah, taa oo ka dhalatay hadalkii Madaxweynaha dalkaas Maron ee ka dib weerarkii lagu dilay macallimkii ardeydiisa tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed NNKH..

Dadka qaar waxay u arkaan weerar ka dhan ah Islaamka iyo “cabsi gelinta dadka”.

Sidoo kale, dalalka qaar waxay qaadeen tallaabooyiin adag oo ololaha ay ku meelmarinayaan sida Qatar iyo Kuwayd. Sidoo kale, dadka qaar waxay su’aal iska weydiinayaan sida uu olalahan uga dhaqangeli karo Waqooyiga Afrika, halkaas oo alaabta ugu badan ee Faransiiska lagu iibiyo.

Ololaha diididda alaabta uu soo saaro Faransiiska oo ku baahay dalal badan oo Carab ah
Qoraalka sawirka,Ololaha diididda alaabta uu soo saaro Faransiiska oo ku baahay dalal badan oo Carab ah

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Laba olole oo loogu kala yeeray #Qaadac_alaabta _Faransiiska iyo mid kale oo ah #Rasuulkii_Allah, ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ee dalalka Carabta.

Ma “astaan farriin ah baa” mise “waa dhabar jebin dhaqaale”?

Ololayaasha waxaa ka dhashay muran baahsan, gaar ahaan dalalka Waqooyiga Afrika.

Dadka qaar ee Twitter-ka wax ku qora waxay sheegayaan in ololayaashan “uusan meel fog gaari doonin” ayna iska noqon karaan mala-awaal, taas oo sabab u tahay “in aysan suuragal ahayn” in dalalka Waqooyiga Afrika ay jaraan xiriirka dhaqaale ee Faransiiska.

Ka bood Twitter boggan, 2

Dhammaadka Twitter boggan, 2

Sidoo kale waxaa jiro dadka qaar oo soo bandhigaya halka uu qiimahaan gaarsiisan yahay is weydaarsiga dhaqaale ee ka dhexeeya Faransiiska iyo dalalka Carabta ee Afrika, taas oo dhalisay su’aal la xiriirta sida uu ololahan uga dhaqangeli karo wadamadaas, iyo sidoo kale saameynta uu ku yeelan karo dhaqaalaha Faransiiska.

Ka bood Twitter boggan, 3

Dhammaadka Twitter boggan, 3

Sida laga soo xigtay bogga “Trade Map”, alaabta uu Faransiiska u dhoofiyay dalka Morocco waxaa ku baxay dhaqaale gaaraya $6 bilyan oo dollar, sannadkii 2019-kii.

Sidoo kale, Aljeeriya waxay ka badan tahay $5 bilyan, halka Tunisiya ay gaareyso $3.5 bilyan oo dollar.

Sida ku qoran bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Faransiiska, dalkaas waa midka ugu sareeya ee sannadkii 2017-kii meelgelin ku sameeyay dalka Morocco, xilligaas oo saamiga Faransiiska ee dalkaas uu gaaray boqolkiiba 31.4%.

Xaalad taa la mid ah ayaa ka taagan dalka Tunisiya oo Faransiiska uu yahay dalka ugu horreeya ee siiya dhaqaale maalgelin toos ah.

Ka bood Twitter boggan, 4

Dhammaadka Twitter boggan, 4

Baaqyada qaadacaadda waxaa barbar socday isu soo baxyo kooban oo ka dhacay Waqooyiga Suuriya, dhulka Falastiiniyiinta iyo Tunisiya.

Sidoo kale jiro warbixinno lagu dhalleeceynayo hadallada Macron, laguna diidan yahay “aflagaadeynta diinta Islaamka” iyo sawir-gacmeedyada.

Dalalka warbixinnadaas soo saaray waxaa ka mid ah Morocco, Turkiga, Pakistan, Iraan iyo Urdun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here