Doorashadii golaha deegaanka 2012 oo ay ku laammaanayd furistii urur-siyaasaddeed yada cusub, waxa jirtay in rag badan oo is bidayey awood dhaqaale, awood mujaahid ama magac iyo qaar is bidayey awood laandheerenimo ba ay furteen ururo siyaasaddeed, raggaa waxa ugu fadalo cadaa Dr. Gabboose, Mujaahid Xasan Ciise, Mujaahid Dhaga-weyne, maalqabeenkii reer bariga Afrika (East Africa) Xasan Gaafaadhi, iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Cabdiraxmaan Cirro.
Raggaas nin walba talaabsay, nasiib darro se waxa badankooda ka maqnaa talaabsatayee halka aad lugta dhigaysaa ma godbaa mise waa banaan, mudo yar ka dib waxay kala noqdeen koox soo qaaday weerar kulul iyo nin hoos magansaday gacanta kooxda isku raranta, hadana isla mudo yar uun ka dib kala hufid iyo kala haadin, waxa soo baxay baa la yidhi sadex xisbi oo aan soo bixin, laakiin la la soo baxay. Kuwaas oo kala ah saddexda xisbi qaran ee hada jooga (KULMIYE, WADDANI iyo UCID).
Hadaba siday wax u kala doorteen kooxda isku raranta ama huwantu ee lasoo bixida saddexda Xisbi Qaran, waxa ay ahayd ugu horreyn Cabdiraxmaan Cirro oo ay u arkayeen nin siyaasad ahaan iyo shakhsi ahaanba liita, laakiin noqon waayey iyo ta kale oo ahayd Faysal cali waraabe oo ay aqoon wanaagsan u lahaayeen, hubeena in maalinta ay u baahdaan qolka Madaxtooyadda ku soo xeraysan karaan, kuna guuleyste in qoladii huwanta ee xisbiga KULMIYE ay soo saaraan labadaa nin xisbiyaddoodii WADDANI iyo UCID.
Haddaba isweydiintu waxa ay tahay. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro muxuu gartay oo uu kaga guulaystay kuwii dalka uga tacabka iyo tamarta badnaa dalka, se hadana iyagu ku hadheen?.
Qodobka 1aad, Cabdiraxmaan Cirro, wuxu fahmay siyaasadda qasriga taalay oo ahayd cidda aynu doonayno uun baa soo baxaysa, Cirrona wuxu geed dheer iyo mid gaaban ba uu u fuulay in cida ay doonayaan ee 1aad haddii uu noqon waayo uu noqdo cidda labaad, tiina waa uu ku guulaystay, balse qolyihii Ehelnimada, Madaxtooyadda, Mujaahidnimada iyo Ingiriis-carenimada xisbiyada u furtay way garan waayeen waana mida keliya ee reebtay.
Cidii xasuusata wakhti baa jirtay la odhan jiray WADDANI waa shoodhe kulmiye, balse sheekadaasi waxay shaqaysay intii danta Cirro ku jirtay uun, maalin tuu dantiisa ku gaadhayna aayar aayar buu uga hoos baxay waana halka ay ka qaraxday siyaasaddii is taageeridda KULMIYE iyo WADDANI, kooxda huwantuna u aragtay ama ogaatay in Cirro kay moodayeen aanu ahayn sidaas darteed wixii iminka ka dambeeya la iska caabiyo.
Tallaabadii 1aad ee la isku dayey waxa ay noqotay in la qabto doorashadii Baarlamaanka mida Madaxtooyadda na dib loo dhigo!. Taasna Cirro wuu iska difaacay, aakhirkiina waxay noqotay in labada doorasho la isku sidko.
Tii 2aad, waxay noqotay in Cabdiraxmaan Cirro laga qaado kursiga Baarlamaanka, isku dayo badan iyo hujuun badan ka dib na waxa muuqatay in kursigaa loogga tago mooyee aanu Cirro ahayn mid ka tegaaya guddoomiyenimada golaha Wakiilada Somaliland.
Markii ugu dambaysay waxa la isku dayey in markale la isku dayo in labada doorasho la kala qaado iyadoo la soo horumarinayo mida Baarlamaanka, balse taasna wuu fahmay waxaana qof walba arkayey in sannadkii ugu dambeeyey la geliyey golaha Baarlamaanka fasaxyadii ugu badnaa isla guddoomiyaha Baarlamaankuna galay safaradii ugu badnaa labadaa soo ay ku hoos jirto xikmad qoto-dheer, waxa meesha ka baxay in la diyaariyo xeerkii doorashada xildhibbaanada Baarlamaanka, sidoo kale weli ay hawada ku laalantay habkii saami-qaybsiga gobolladu, labadaas qodob oo ah kuwo caqabad ku ah in doorasho Baarlamaan dalka ka dhacdo, waana laba jalaafo oo Cirro isaga dhigay siyaasadda kooxda huwanta.
Haddaba Sidey Wax Noqon Doonaan!!.
Qodobka 1aad, Xukuumadddu waxay isku deyi doontaa mar kale in Cabdiraxmaan Cirro birta la dhaafiyo, kuma se guulaysan doonto sababo jira dartood.
Qodobka 2aad, waxa soo bixi doona KULMIYE, UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo golaha Guurtida oo isku dhinac ka safan ciyaarta oo dalbanaya in doorashada Madaxtooyadda dib loo dhigo mida Baarlamaankana la soo horumariyo, iyana ma suuroobayso sababo jira dartood.
Qodobka u dambeeya wax kastaaba, waxay noqon doonaan sida ay doonayaan mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo 82 ka xildhibbaan ee uu horjoogaha u yahay, taas oo ah in doorashada Madaxtooyadda la qabto maadaama xeerkeedii iyo dhaqaalaheediiba diyaar yihiin iyo in muddo kordhin kale dhacdo taasoo maalinta ay dhamaatona ay xigi doonta isla muran iyo mudo kordhin sadexaad halkaana xisbiga KULMIYE noqon doono xisbigii ugu muddo kordhinta badnaa, dhan ka kalena uu iman doono isbedel rasmi ah oo aan maanta qofnaba maskaxdiisa ku jirin, waana sida ay doonayaan dawladaha Carabta, Turkiga iyo qaar ka mida Rajiimada Africa oo adeegsanaaya koox ka mida isku-raranta ama huwanta hadba sida aad u fahamtay!!.
Goor-San-Socod
DHAMMAAD
W/Q. Axmed Bille
Hargeysa/Somaliland