Gudoomiye Muuse Shaani oo Canbaarayn iyo Ceeb Kaqaaday, Dhalinyaradii Reerkiisa ahaa ee uu Kuyidhi Calanka Wadani ey Saara, iyo Xubnaha Xisbiga Kulmiye oo Muuse Kadalbaday in uu Raaligalin Kabixiyo

0
24

Hargeisa (SAXILNEWS.COM)_Gudoomiyaha  Xisbiga Kulmiye  Muuse Biixi   Cabdi (Muuse Shaani)  ayaa  Canbaarayn  iyo Ceeb Wayn  oo Bulshada  Dhexdeeda ah  kala Kulmay  Dhalinyaro  Raaskiisa   ah oo Dhawaan Kusoo Abaabulay in ay Calanka Xisbiga  Waddani  Ey Dusha Kasaaraan, taas oo aan  ilaa hada Cadayn Macnaha  ay  Muuse    Iyo Degmeda Gabilay Usamaynayso  oo aan Ka hayn Cunfi  Dadnacayn  iyo Qabyaalad Sooc ah.

Maadama  aanu Xisbiga Waddani ahayn Xisbi Xukuumiya Sidoo kalana  aanay jirin Waxdhibaato ah uu Xisbigu Hore  ugu Gaystay Degmeda Gabiley   iyo Dadkeeda,  Arintan oo ay Xeeldheerayaashu Kutilmaameen Caadifad  iyo laablakac Siyaasadeed oo Muuse Biixi Jibo Qabyaaladeed Kakeentay  ayaa Sidoo kale Dhabar jab Siyaasadeed Kunoqotay  Gudoomiye Muuse Shaani  iyo Xisbiga Kulmiye Kadib Markii Muuse Muujiyay in  ay Gabilay Tahayd Degmo uu Reer ahaan u Xidhay, halka  ay Ka ahayd Degmo Qaran  oo Xisbiyada Qaranku Uwada Simanyiin.

Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah  ee Ucid ayaa Arintaas  Si Adag Ucanbaareeyay Halka, Halka Masuuliyiin Maxaliga ah  oo Xisbiga Kulmiye Kamidina ay  Muuse Biixi Kadalbadeen in uu Raaligalin Degdeg ah Kabixiyo Arinkaas, Balse Muuse Ayaa Kadhago Adayga   Siga oo  eeda Kuleexiyay  Gudoomiyaha Degmeda Galibay Mr  Mustafe Shiine.

Qaarkimada Dhalinyaradii  uu Muuse Biixi Soo Abaabulay ayaa  Warqabadka Somalilandlive.com Ushegay  in   aanu Gudoomiyaha Degmadu  Wax Door ah Arintaas Kuhayn Marka Laga Tago Lacag- 470$  ah oo   uu Muuse Biixi  ugu Balamiyay GudoomiyeMushtafe Shiine  taas oo Dhalinyaradii Dhaqan Xumada Kukacday Lasiiyay  Midkiiba Lacag Dhan  25$  waa Sida  ay Somalilandlive Media Usheegeen Qaar Kamida Ladhinyaradii Muuse Biixi Soo Abaabulay oo Codsaday in aan Magacyadooda Lasheegin.

Waxa  ay Intaas kudareen in Gudoomiya Degmeda Gabiley uu Nacayb  iyo Cadaawad Xad-dhaaf ah  u Qabo Xisbiga Waddani balse  aanu  kutalin in Calanka Waddani  Ey  kudasha Laga Saaro.

Arintan ayaa Cawaaqib Xumo Siyaasadeed  iyo  Nebcaasho Xoogle Durba  Baday Xisbiga Kulmiye  iyo Gudoomiye Muuse Shaani,  Waxan Falkii  ugu Horeeyay Kadhacay   Degmeda Ahmed Dhagax  ee Magaalada Hargeisa Halkaas oo Muuse Biixi  Shiid Lagaga Soo Eryada Habeen Hore.

ugu Danbaynti Su,aasha Is Waydiinta Mudan ayaa   Ah. Gudoomiye Muuse Shaani  Makufilnaan Doontaa Degmada  Gabilay  in uu Dalka Madaxwayne Kanoqdo?

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here