Hargeysa(Saxil News.com):-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey kulan xisbigaasi kaga hadlayey mawqifkiisa la xidhiidha doorashooyinka dalka ku soo socda.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulankaas ka jeediyey go,aamada uu xisbiga Waddani ka taagan yahay arimaha doorashooyinka, waxaanu kulankaasi ka akhriyey qodobada uu xisbigaasi u arko in doorashada lagu gaadhi karo, isaga oo dhinaca kalana ka hadlay tabashada gobolada bariga iyo galbeedka somaliland iyo wada hadalka u dhexeeya somaliland iyo somaliya.
Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlaya go,aamada uu xisbiga Waddani ka taagan yahay doorashooyinka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabbay sidan “Xisbiga Waddani waa daneeye muhiim ah o oo u taagan in la qabto
Gudoomiye cirro ayaa ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka waxaanu yidhi ““Dib u dhaca doorashooyinku waxay abuuri karaan khilaaf, waxaanay keeni karaan khal khal siyaasadeed oo hor leh, waxay abuuri karaan xasilooni daro, waxay abuuri karaan nabad galyo xumo, waxay abuuri karaan niyad jabinta dadweynaha u diyaar garoobay isbadal nabadeed, waxay dhaawac ku keeni kartaa midnimada iyo wada jirka bulshada Somaliland iyada oo dhaawacyo hore soo gaadheen bulshada intii xukuumadani jirtay, waxay tuhun iyo mad madaw galin kartaa beesha caalamka sii wadida hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada iyo nabad galyada somaliland.”
Gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa kale oo uu madaxweynaha xusuusiyey inay xisbiyada mucaaridka ahi doorashada diyaar u yihiin, isaga oo tilmaamay inay go,aankii uu golayaasha qaranka hortooda ka sheegay ay marin habaabinayaan qaar ka mid ah golaha wasiirada iyo xildhibaano waxaanu yidhi “Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland khudbad sanadeedkiisii 2013-ka ee ku beegnayd 30-kii January waxa uu golayaasha hortooda ka cadeeyey inaan maalina loogu darayn doorashaduna wakhtigeedii dhici doonto, waxa uu mar labaad madaxweynaha jamhuuriyadu 27-kii January ee sanadkan ku celiyey in doorashada wakhtigeedii la qaban doono, waliba madaxweynuhu isaga oo la kaftamaya xisbiyada mucaaridka ah waxa uu yidhi xisbiyadu diyaar maaha waxaanu ku daray malaa way yara baqanayaan, waxaan u sheegayaa madaxweynaha aniga oo ku hanbalyeynaya go,aankiisaas inaan aniguna diyaar u ahay xisbiga Waddanina diyaar u yahay, tiraabta madaxweynaha ee ah inay doorashadu wakhtigeedii dhacayso ficil lamuu socon manaynaan arag qaban qaabada doorashada oo socota waxaanan leeyahay madaxweyne ficilkiina ku dar, hadalkaas wanaagsan ee madaxweynaha waxa mararka qaarkood mugdi galiya wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, xildhibaano ka kala tirsan golayaasha wakiilada iyo guurtida oo aad u taageera madaxweynaha kuwaas oo si badheedh ah u yidhaahda hadalo ka soo hor jeedaa kuwa madaxweynaha oo ah in xukuumada loo kordhinayo.”
Sidoo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani waxa uu sheegay inuu xilka golaha wakiilada iska casilayo marka uu madaxeynuhu digreeto ku shaaciyo wakhtiga la qabanayo doorashooyinka waxaanu yidhi “Baryahan waxa lays waydiinayey gudoomiyuhu miyuu is casilay iyo goorma ayuu is casilayaa taasina maaha su,aal ee waa hal xidhaale waxaana ka jawaabaya marka madaxweynaha somaliland digreeto ku soo saaro wakhtiga doorashada.”
Dhinaca kale gudoomiye Cirro oo ka hadlaya wada hadalka u dhaxeeya somaliland iyo Somaliya ayaa waxa uu soo jeediyey in la joojiyo wada hadalkaasi waxaanu yidhi “Waxaynu dhamaanteen ka war qabnay in wada hadalka somaliland iyo somaliya uu ahaa go,aan dalku wada qaatay balse xukuumadu markii danbe kaligeed isku koobtay wada hadalkaasina uu noqday mid ma dhalaysa, cimrigii xukuumadana waxa ka hadhay afar bilood waxaanu xisbiga Waddani soo jeedinayaa in la joojiyo wada hadalkaas ilaa inta doorashada la galayo.”
Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay tabashooyinka gobolada bariga iyo galbeedka waxaanu yidhi “ Tabashada gobolada bariga iyo galbeedka gabayada kuma wanaagsani laakiin waxaan u malaynayaa in la soo gaadhay maalin uu ka digay Abwaan Gaariye oo uu yidhi Maalinba Iman Doonta dadka Awdal iyo Sool Ee Aadanow Hagrateen Raacdadoodu Adkaatoo Lagu Raadsho Ilays, mudadii xukuumadan wakhti yar ayaa ka hadhay haddii ay wax qabanaysana way qaban lahayd laakin dadka waxaan u soo jeedinayaa xalka waxa weeye inaynu doorasho galno isbadal iyo xukuumad arintaas wax ka qabatana dhalino.” Ayuu yidhi gudoomiye Cirro
Saxil News// Hargaysa // Office
berbera2002@gmail.com