Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ee Dalka UK Oo Beeniyey Warar Been Abuur Ah Oo Laga Baahiyey ” Anigu Ismaan Casilin Waxanan Ahey ….. “

0
21

London (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee Dalka UK Xussen Aadan Cade ayaawaxaa uu si cad u beeniyey warar been abuur ahaa oo lagu sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Waddani

Image may contain: 1 person

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in aanu xisbiga Waddani iska casilin wararkaasina ay yahiin qaar been abuur ah isla markaana uu isagu yahay siyaasi ku han weyn in uu ka midho dhaliyo xisbiga Waddani

 

” Wax alle iyo wax ka jiraan ma jiro is caislaadaasi la sheegayaa, anuu waxaan ahay Siyaasi ku Han weyn in uu ka midho dhaliyo Xisbigiisa Waddani ” ayuu yidhi

Sidoo kale Muj Xussen Aadan Cade ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye ee Somaliland ka saari kara mar xalada ay maanta ku jirto uu yahay xisbiga Waddani

” Dalka Xisbiyada ka jira Xisbiga kaliya ee maanta Somalialnd Gudka Madow Ka saari karaa waa Waddani aniga ayaa codsaday in la iga badalo UK Si aan xisbiga olihiisa ka dhacaaya dalka gudihiisa uga shaqeeyo iyada oo xili doorasho inugu soo dhawdahay lakiin xil ana iska casilay ma jiro ” ayuu yidhi

Muj Xussen Aadan Cade Gudoomiyaha xisbiga Waddani ee dalka UK ayaa la filayaa in dhawaan loo soo badelo gudaha dalka si uu uga qeyb qaato olala doorashada ee uu xisbigaasi galaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here