Hargeysa(saxilnews.com)-Gudoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed , ayaa maanta sheegay in arin cajiiba ay kusoo arkeen dhowr goobood oo Hargeysa duleedkeeda ah, waxaa uu xusay goobahay tageen oo ay ka mid tahay buurta Naasa-hablood in dad si sharci daro ah uga bilawdeen inay dhagaxaan ku rogtaan seesas cusub oo ka gaadhsiisana laga sameeynaayay goobo wadooyinka oo lagusoo durkayo oo dhismayaal cusub lagu bilaabay iyo goobo sarfey cusub oo bilaa sharciya ka socdo .
Qorshahan ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid xiliga kala guurka looga faa idaysanayo in dhulkii danta guud ahaa la qaato .
Waxaanu ugu baaqay xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa inaanay cimrigoodii tagay ceeb ku sabootiyin oo dhulka danta guud ah aanay udul qaadan doonin cidii lagu qabto sharcigana la geyn doono mudada kala guurka ee doorashada ka hadhay .
www.saxilnews.com