Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ku Guul-Daraystey Hirgalinta Wareegtooyin Madaxwayne Siilaanyo Soo Saarey Oo Fulintooda Isaga Laga Sugaayey

0
21

Hargeysa(Saxilnews)-Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Ibraahim oo xilka Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland hayay haatan mudo ku siman afar bilood ayaa ku guul daraystey meel marinta wareegtadii uu soo saarey Madaxwaynaha Somaliland ee ku saabsanayd jaangaynta sarifka lacagaha qalaad.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe somaliland

Iyadoo ujeedada go’aanka madaxwayne Siilaanyo uu ahaa sidii loo yarayn lahaa sixir barar aad u balaadhan oo ka jira Somaliland, waxaana wareegtada iyo sidoo kale go’aamo ay isla gaadheen Guddida sixir bararka iyo shirkadaha bixiya adeegyada Zaadka iyo E,dahab fulintooda laga suyeeyey in ay si rasmi ah u dhaqan galayaan marka uu Gudoomiyaha Baanka Somaliland ku dhawaaqo.

Balse arintaasi ayaa uu ku guul daraystey Gudoomiye Maxamed Cabdi Ibraahin iyadoo sixir bararka iyo sarifka lacagta doolarku haatan ay dib ugu laabatey halkii ay gaadhey wakhtigii madaxwayne Siilaanyo wareegtada soo saarey,shacabka Somaliland gaar ahaan dadka indh indheeya dhinaca dhaqaalaha ayaa dhankooda qaba in gudoomiyaha cusub ee baanka Somaliland uu yahay kii ugu liitey ee soo mara bangiga dhexe xili lagu jiro xaalad aad u adag.

Gudoomiyaha oo dhankiisa lagu tiriyo in uu aqoon u leeyahay arimaha baanka oo uu shaqaale hoosaad ka soo ahaa ayaa waxa la filayaa in hadii uu sida ugu dhakhsaha badan u meel marin waayo wareegtada ,madawaynaha iyo go’aamadii ay isla gaadheen guddida sixir bararka iyo Shirkadaha Bixiya adeegyada Zaadka iyo E Dahab in si deg deg ay madaxtooyadu talaabo uga qaadi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here