Guddoomiyaha Shirkadda SAHVO Oo Bulshadda Ka Saxal Sarey Eedo Loo Soo Jeediyey Wasiir Cali Mareexaan Jawaab Adagna Ka Bixiyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Xil. Cabdirisaaq Aar Iyo Maamulaha Land Scape

0
17

“Anigu Nin Reer Sool ah Baan Ahay Wasiir Cali Mareexaan Isma Naqaano Qabiilna Naguma Siin Ee Qaranimada Somaliland Buu U hiiliyey Oo Noogu Garsooray” Guddoomiyaha Shirkadda SAHVO

Guddoomiyaha Shirkadda Sahfo Maxamed Axmed ducaale Ayaa Si adag uga hadlay Eedaymo Aan Loo Meeldayin Oo ka soo yeedhay xildhibaan Cabdirisaaq aar iyo yuusuf Muuse oo warbaahinta ka weeraray wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Mr cali mareexan oo xilligan saxeexay mashruuc lagu dayactirayo jidka u dhaxaysa Sool iyo Burco,Mashruucan oo hore uu joojiyay Xirsi Cali xaaji xasan wasiirki hore madaxtooyada Ayaa waxay masuuliiyiintani Carabka ku adkeeyeen in la duudsiyey mashruuc ay ku guuleysteen waxaana ay sheegeen khiyaamo ka dhan ah Xirsi Cali Xaaji Xasan xilligi uu ahaa wasiirka madaxtooyada Somaliland, waxaana uu muwaadiinkani Fasiray inuu si cad ulaalay mashruucan, iyaga oo daba socday muddo saddex sano ah waxaana hadaladiisi kamid ahaa ‘’ aniga oo ah gudoomiyaha shirkada Sahfo, waxaanu halkan ku haynaa dhowr wasiir qoraalkoodi, oo uu kamid yahay wasiirki hore hawlaha guud, cabdirisaaq khaliif, cali sandule, waxaanay ka hawlgaleen mashruuc dib uhabay jidka udhexeeyay Burco iyo Laascanood intaas oo wasiir ayaa ka hawlgalay mashruucaas, waanala siiyay, warqad ayaa loo qoray mareeyaha wadooyinka, kadibna waxaa loo qoray warqad Wasiirkii Madaxtooyada oo xilligaas ahaa, Xirsi Cali, xirsi warqad ayuu soo qoray, wuxuuna yidhi halaa sugo mashruucan, kadibna Xirsi wuxuu soo diray warqad kale oo Yidhi Lacagtii oo la diyaariyay ka joojiya, sidbaana lagu joojiyo, deetana waxay noqotay inaanu kolba wasiir Utagno, mid walbana wuxuu ku yidhaa waan usii daynaaya, deeto sidii ayaanu uu wareegaynay saddex sanno, waxaana nalaga qaaday cashuurihi, midwalba warqadeed waata, deetana shaqadii oo sidii utagaan ayaa waxaa meesha la keenay Wasiir Cali mareexaan oo hayadii wadooyinka la hoos geeyay, cali mareexaan Anigu ismaanu aqoon, waxaa igeeyay wasiirku ku xigeenkiisi, waxaana uwarqadii dusha kaga qoray,Maareeye mashruucan horaad usamaysee same oo bixi sidii ayaana mshruuci lagu bixiyay, wadadani muddo ayaanu ka shaqaynayaay ‘’ Maxamed Axmed Ducaale isagaa oo hadaladiisi si wataa waxaa Xirsi Cali Xaaji Xasan ku tlmaamay shaqsi si weyn uduudsiiyay xuquuq ay lahayeen,islamarkaana uu wadaay qorshe uu mashruucan ku siinanayaay xildhibaano ka tirsan magaalada burco ‘’ anagu waxaanu nahay nimaan reer Somaliland ah gobolwalba ka tirsan, kana shaqeeya reerna malaha shirkadaydu waxaa noo muuqata in wasiirku naga joojiyay oo una duudsiiyay waxaanu xaq ulahayn wuxuu noo diray cashuurta oo waanu soo cashuurnay waxanaanu maanta ognay in mashruuca loo musuuqmaasuqay xildhibaano reer Burco ah, laakiin waxaan leenahay waa Nasiib darro in rag isku degaana,wax la siiyay lagu kala eexdo, mudadan waxaanu ka shaqaynay muddo dheer, Nimanka muraayada ka hadlay waxaan leeyahay qabyaalad ayaa laydiinku qufulay wasiirkan aad magaysaan wasiirkan wuxuu maray sidii xaq ahayd hadii ayduun lahaydeedn ha idiin qabyaaladeeyo dee caqligiisa ayaa udiiday ‘’ ayuu yidhi Gudoomiyaha shirkada Sahfo

Dhanka kale Xoghayaha shirkada Sahfo Xamse Cumar Darwiish ayaa si adag ganafka ugu dhuftay hadalo kasoo yeedhay xildhibaan Cabdirisaaq aar iyo xubin ku hadlayey Ururka Qandaraaslayaasha Land Scape oo weerar afka ku qadaay wasiirka hawlaha guud oo bixiyey mashruuca lagu hagaajinayo wadada isku xidha burco laascanood oo dhir goyn ah waxaana uu yidhi ‘’ maanta waxaan halkan ka cambaraynayaa Xildhibaan Cabdirisaaq Aar iyo muuse yusuf anagu waxaanu nahay shaqaalaha shirkada sahfo muddo dheer ayaanu ka shaqayn jirnay wadada isku xidha burco iyo laascanood waa shirkada calaamiya waa shirkad Somaliland oo dhan ka shaqaysaa anagu cadaynbaanu haynaa, waxaan leeyahay labada nin waar hadii umada wax loo dhisayo in laga horyimaado maaha inaad iska hungurooto maaha waxaa tihin rag iska hungurooday, wadadan wuxuu saxeexay bishii lixaad 2014, waxaana joojiyey wasiir xirsi, Alxamdulilah imika waxa ogoladaay, wasiirka cusub, waxaan leeyahay l xildhibaan waar Haka fikirina dantiine eek a fikira Ta shacabaka ‘’ ayuu yidhi Xoghayaha Shirkadda Sahfo. Xamse Cumar darwiish.

         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here