Guddoomiyaha KULMIYE Oo Soo Ammaanay Kormeerkii Madaxweynaha Ee Gobolada Somaliland

0
30

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay Xisbi ahaan bogaadinayaan safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku soo maray Goboladda iyo Degmooyinka Somaliland.

Muuse Biixi oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxaanu shirkan u qabanaynaa inaanu Xisbi ahaan,Qaran ahaan iyo Umad ahaanba Illaahayna ugu mahadnaqno,Weftigii Madaxweynaha iyo Safarkiisana hambalyo ugu diro, Umaddii ka hortimid ee la shaqaysayna aanu hambalyo u diro. Waa wanaag inoo qabsoomay qaran ahaan.”

“Waa hawl aynu guusheeda leenahay. Madaxweynuhu wuxuu gutay hawshiisii Datsuuriga ahayd ee inuu Dalka maro,inuu xog-ogaal u noqdo, inuu wixii uu wax-tari karana taro wixii kalena xog la soo noqdo, waxa uu ahaa Safar dheer oo wakhti adag ku beegmay oo weftiga iyo intii la socotayba ay u badheedheen, dadkuna ay si wanaagsan uga jawaabeen.”

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu difaacay Safarka Madaxweynaha oo Mucaaradku dhaliilo u jeediyay, waxaanu sheegay in Safarka Madaxweynuhu qorshaystay islamarkaana cidda uu doono la shirayo meesha uu doonana u hayanayo.

Waxa uu sidoo kale ka jawaabay eedaha Mucaaradka ah ee ah in Meel walba Madaxweynuhu dhagax iyo ballan aan fulayn dhigayo “Arrinta ah dhagaxaan badan baad meel dhigaysaan, dee wixii aanu dhigno ma fulinay, mise lama fulin, haddii la fuliyo dee waa wanaag.markaas waxaanu eegaynaa intii dhagax la dhigay intee ka fushay, waanu tirinaynaa, haddii boqolkiiba todobaatan(70%) la fuliyay,dee waxa weeye qof qorshe dhigtay oo talaabo wanaagsan hore u qaaday oo 70% ama 80% fuliyay dee waa guul” ayuu Muuse Biixi Yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here