Guddoomiyaha Awdal oo la kulmay madaxdhaqameedka Gobolka

0
105
Gudoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xadi (Xasan Ciid) ayaa maanta kulan la qaatay madaxda dhaqanka ee gobolka Awdal.
Kulankani oo ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka Awdal ee Magaaladda Boorama ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho u dhaxaysa Guddomiyaha cusub iyo Cuqaasha gobolkaasi.
waxa kale oo lagaga wada hadlay in Maamulka gobolka iyo madaxda dhaqanku ay si isku duubni ah ku wada hawlgalaan isla markaana ay ka wada shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada iyo horumarka gobolka Awdal higsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here