Gudaha:Gobolka Awdal Weli Tabashadii Saami Qaybsiga Golaha Wakiilada Ayaa Ka Taagan.Xildhiban Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland

0
19

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka tirsan Guddida joogta ah ee
Wakiilada, ayaa isagoo Wargeyska Geeska Afrika uga warramay kulankan ay
la yeesheen Komishanka iyo qodobbada ay ka wada-hadleen ayaa yidhi
“Komishanka ayaanu kulan gaar ah la yeelanay, haddii aanu nahay Gudidda
joogta ah ee Golaha Wakiillada, way noo xog warrameen, waxay noo
sheegeen inay Diiwaangelintii bilaabayaan, oo ay mar wada bilabayaan Awdal,
Hawd iyo Gabiley, muddo afar cisho ahna ay wadi doonaan, laakiin
wakhitgaasi waa wakhti aad u kooban, waxay ahayd in laga badiyo, Barigii
hore waxaa laga codeeyey 1600 oo goobood, haddana waxay Komishanku
noo sheegeen inay yihiin 1200 oo goobood, waxayna ahayd in cid walba oo
qaandhay in laga diiwanageliyo goobtooda, waxayse Komishanku nagu
yidhaahdeen Magaalooyinka kala ahaa A iyo B, oo ah meelo aan kala fogayn,
waxayna noo sheegeen inay Goobta A oo kale soo qaateen, ta kale waxaanu
weydiinay Xilli Doorashada ay sheegayaan inay ku qabsoomayso maadaama
Xeebihii aad u kulul yihiin dadna aanay joogin markaas, waxaanu weydiinay
waxaa uga meel yaalla, waxayna noo sheegeen in wakhtiga ay Doorashada ku
qabanayaan aanay ilaa hadda hubin, oo laga yaabo inuu wakhtigu dib uga
dhaco, Golayaashuna ay ku fadhiyaan qodob dastuuriya, oo korodhsiimadu
ahayd ilaa bisha 11aad ee sannadka dambe, waxay noo sheegeen inay
Dawladda ka hayaan shan milyan, oo cid kale aanay waxba ka hayn”.
Mar uu ka hadlayey Komiishanka oo ay wax ka weydiinyeen xaaladda ka
taagan Gobolka Awdal ayaa yidhi “Waxaanu weyiinay Komishanka xaaladda
ka jirta Gobolka Awdal, maadaama dadka reer Awdal aanay diyaar u ahayn
inay Doorasho galaan, maadaama ay wax tirsanayaan, waxaanu ku nidhi
maxaa idinka meel yaalla ma in aad xoog ku diiwaangalisanaa, mise xeeladda
baad ku diiwaangalinaysaan, waxay noo sheegeen in iyaga xoog ka fog yahay,
balse goobaha ay Wasaaradda Arrimaha guduhu ay sheegeen inay
diiwaangalinayaan, halkay yidhaahdaan ka joogaana ay ka joogayaan, tana
waa diiwaangalintii ee Doorashadii maaha, inay dadku is diiwaangaliyaan ayaa
fiican, dhanka kale sababta ay ugu horeeysiinayaan dhinaca Galbeedka
Somaliland ayey Komishanku noo sheegeen inay yihiin in Barwaaqo ka jirto,
halka dhinaca Bariga ay noo sheegeen inay abaaro ka jiraan, ilaa imika, sida
Togdheer, Saraar, waxayna noo sheegeen in ay dadku kala guurguureen oo
xittaa dadka qaar ay galeen Puntland, oo xooga abaar ayaa jira ayey
yidhaahdeen, inkastoo la sugayo dayrtii, Komishanka waxaanu u sheegnay in
inta aanay waxba bilaabin inay wax hubsadaan”.
Mar uu ka hadlayey Saami-qaybsiga ayaa yidhi “Gobolka Awdal tabashadii
saami-qaybsiga ayaa weli taalla, Dawladduna uma jeedo oo qarjajac ayey
waddaa, ee si Somaliland loo wada yeesho waa in arinta Saami-qaybsiga wax
laga qabtaa oo la dhammeeya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here