Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Guddi u Saaray Xaaladda Colaadeed ee Magaalada Laascaanood

0
176

Hargeysa (Dawan) Golaha wakiillada Somaliland ayaa maalintii doraad yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo laga saaray dhammaan warbaahinta iyo shaqaalaha golahaba, ujeedada kulankan ayaa ku simaha guddoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Siciid Mirre Faarax Giire, uu ku sheegay inay kaga arrinsanayeen qaabkii ka gole ahaan ay uga qayb qaadan lahaayeen xalinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Kulanku markii uu dhammaaday waxa warbaahinta la wadaagay in guddi ay u saarayaan xaaladda Laascaanood gudoomiye Siciid.

Maalin kadib golaha wakiiladu waxa uu soo saaray guddi ka kooban 11 xildhibaan iyo sidoo kale guddoomye ku xigeenka labaad ee golaha mudane Cali Xaamud Jibriil iyo xog-hayaha guud ee golahaasi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, kuwaasi oo darsi doona xaaladda colaadeed ee ka taagan Laascaanood.

Magacyada Guddida xildhibaanada loo xilsaaray xalinta xaalada dagaalka Laascaanood oo soo gaadhay wargeyska Dawan ayaa u dhigna sidan.

Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim Timo-jilc

Xildhibaan Axmed Muuse Jaamac

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Xildhibaan Cali Xuseen Nuur Beegsi

Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax

Xildhibaan Cabdillaahi Yuusuf Axmed

Xildhibaan Maxamed Xasan Siciid

Xildhibaan Mukhtaar Xuseen Maydhane

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil Budul

Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laab-saalax

Guddidan ka kooban 11-ka xildhibaan ayaa saaka xarunta golaha wakiillada ku yeeshay kulankoodii u horeeyay, balse wixii ay ka wada hadleen wax faafhaahina kamay helin warbaahintu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here