Golaha Midowga musharraxiinta madaxweynaha ayaa qoraal ay soo saareen goor dhowayd ku soo dhaweeyay warsaxaafadeed Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin.
Warsaxaafadeedka Ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka uga joojiyay Fahad Yasin ayaa waxa lagu yiri: “Markii (ra’iisul wasaaraha) uu garwaaqsaday in warbixintii hay’adda (NISA) ee ku saabsanayd kiiska Ikraan Tahliil, aanay ahayn mid lagu qanci karo. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu shaqada ka joojiyay Agaasimaha Guud ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir”.
“Goluhu wuxuu u arkaa in go’aanka shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda iyo kalsoonida ay shacbaku ku qabi karaan. Goluhu wuxuu dalbanayaa in baaritaan lagu sameeyo taliyihii xilka laga joojiyey.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen golaha midowga.
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa “amray in shaqadiisa uu sii wato” Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.
Bayaan uu soo saaray madaxweynaha waxaa lagu sheegay in “go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka”.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka jawaabayay qoraal uu soo saaray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo uu shaqada uga joojiyay madaxa hay’adda NISA.