GOLAHA GUURTIDDA SOMALILAND OO LOO QAYBIYAY XEERKA HAY’ADDA CAYMISKA QARANKA

0
20
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa(saxilnews.com)-Fadhigan oo uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahaasi loo qaybiyay xeerka Hay’adda caymiska qaranka xeer lambr 92/2020.

Geesta kale, guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yaasir ayaa mudanayaasha golahaasi uga war bixiyay kulanno ay la qaateen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda ganacsiga, iyo maareeyaha wakaaladda biyaha ee Hargeysa oo ay guddidu ay wax ka weydiiyeen hawlaha kala duwan ee ay qaranka u hayaan, isaga oo sheegay in ay mas’uuliyaantaasi ay si habboon uga jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen guddidaasi.

 

Golaha Guurtida Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here