Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi, Saleebaan Maxamuud Aadaan ayaa waxa ay dood ka yeesheen qodobka Biyaha.
Dooda mudanayaaaha ayaa waxa ay si cilmiyaysan uga hadleen biyaha dalka oo mudanayaasha qaar soo jeediyeen in la sameeyo cilmi baadhis lagu ogaanayo qiyaasta biyaha dalka, si loo qodo dhaamam biyood ku filaada waraabka dalka.
Xildhibaanada qaar ayaa waxa ay ku boggaadiyeen wasiirka biyaha iyo maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa sida wanaagsan ee ay ugu hawlan yihiin horumarinta biyaha dalka.
Xildhibaan Axmed Dirir Cali ayaa soo jeediyay in marka sahaminta biyaha la sameynayo ta cuntada ee dadkana la sameeyo, isaga oo sheegay in aanay kala maarmin.
Waxaanu yidhi.“Cuntada marka la soo qaadana biyuhu kama hadhaan, waxa jira dad biyo haysta oo aan cuno haysan, qaar cuno haysta oo aan biyo haysanba jira, waxaan soo jeedinaya biyaha cuntada yaan la kala reebin, waddanka gaajo ayaa ka jirta ee marka biyaha la sahaminayo jaagadana hala sahamiyo”
Xildhibaan Caydiid Cabdi Maxamed waxa uu soo jeediyay in beebabka biyaha ee jabay lahagaajiyo, isla markaana Kaydadka biyaha ee gudaha magaalada lagu shubo si looga baaqsado biyaha khasaaraya ee magaalada dhexdeeda.
Waxaanu yidhi. “Biyo badan oo suuqyada magaalada Hargeysa maraya ayaan arka kadib markii ay jabeen beebabkii biyahaasi mari jireen, halka dadka kuwa kalena biyo laa’yihiin, waxaan soo jeedinaya Kaydadka biyaha ee magaalada laga dhisay biyahaasi halagu duwo oo bulshada biyaha haloo qaybiyo”
Xildhibaan Axmed Nuur Aw Cali Aadan ayaa soo jeediyay in biyaha caasimadaha magaalooyinka waa weyn ee dalka lagu wareejiyo maayiradda magaalooyinka.
Waxaanu yidhi.“Biyaha waa in meel la isugu geeyo, magaalo madaxyada dalka waa in maayirada masuul looga dhigo wixii biyo ah, wasaaradda biyaha, maayirada iyo wakaallada biyaha waa in la mideeya masuuliyaddeenana sumad loo yeelo”
Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan Libaax, ayaa soo jeediyay haddii aanay dawladdu awood u lahayn in wajiga labaad ee biyo gelinta caasimada aanay bulshada soo gaadhsiin karayn in ay ku wareejiso cid gaar ah, isaga oo ku cannaantay maareeyaha wakaalada biyaha sida aanu ilaa hadda ugu guulaysan in dadku helaan biyo ku filaan oo aan ka ahayn kuwii hore oo awoodoodii la kordhiyay.
Waxaanu yidhi.“Nidaamkii hore ayaa lagu guulaystay oo meel walba biyuhu way socdaan, balse nidaamkii cusba ee magaalada Biyuhu ku imanayeen may hirgelin, maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa dhawr jeer ayaan kala hadlay, marka haddii aanay dawladdu kari karayn in ay shirkado gaar ah iskaga wareejiso sida telefoonada oo kale, marka nidaamka cusub ee biyo’gelinta caasimadu in sidii gurigii xisbiga oo kale uu noqdo maaha”
Xildhibaan Siciid Jirde Maxamuud ayaa maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa ku ammaanay sida uu markasta ugu hawlan yahay sidii magaalada Hargeysa biyo u helilahayd.
Waxaanu yidhi.“Bulsha badan ayaa isweydiinaysay goorma ayay biyo helaysa caasimadu, maanta waxa aad mooda in daad mulacyayno magaalada Hargeysa dhexdeeda, meesha aad martaba beebabkii hore ee biyo-gelinta ayaa shaqaynaya, kadib markii ceelashii cusba biyahoodii la soo daayay, wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa wax badan ayay qabatay, ceel biyoodyo waa weyn ayay sameysay iyadana waan uga mahadcelinayaa, maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa waan ku boggaadinaya shaqada wanaagsan ee ku qabtay biyo gelinta caasimada Hargeysa iyo sida uu xilka isaga saaray in Hargeysa biyo hesho”