Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa Oo Shaaciyay Inay Go’aan Ka Qaadanayaan Shirkado Diiday Inay Xadhkahooda Dhulka Hoostiisa Mariyaan

0
18
Hargeysa(SaxilNEws) Maayarka caasimadda Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shaaciyay   in ay tallaabo ka qaadayaan  shirkadaha korontadda iyo kuwa  is-gaadhsiinta  oo uu sheegay in ay diideen in ay dhulka hoostiisa mariyaan xadhkahoodda.

Waxaanu sheegay maayarku in  shirkadaha Korontadda oo ay hore diniin ugu direen in ay xadhkahoodda dhulka hoos mariyaan,  balse ay ka dhego-adaygeen in ay amarkaasi fuliyaan in maanta uu golaha degaanka caasimadu  go’aan cad ka gaadhayaan.

C/raxmaan Soltelco, waxa  uu sidaasi ka sheegay kulan dhex maray maayarka caasimada iyo bulshada caasimada hargeysa kaasi oo todobaadkiiba hal mar ay bulshadu su’aalo ku waydiiyaan maayarka.

Waxaanu  tilmaamay maayar Soltelco  in ay bilaabayaan  olole balaadhan oo ay ka fulin doonaan jidka dheer ee Madaarka iyo Saldhiga  dhexe ee Hargeysa, isla markaana ay bur-burin doonaan  Boodhadhka waaweyn ee jidka hareerihiisa laga taagay iyo dhamaanba xadhkaha Korontadda iyo kuwa shirkadaha is-gaadhsiinta oo isku maran.

Duqa caasimadda oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mar labaad waxaaanu  fulinaynaa ololihii aanu ku banaynaynay Wadadda Madaarka.  Boodh  (tabeello) taagana laguma arki doono, waana la goynayaa. Qoladda  Laydhka (korontadda)  waxaan  leeyahay waad diideen in wadadaasi la dhiso,  oo birihii waad qaadi waydeen,  anaguna go’aankayaga waxaanu soo saari doonnaa bari oo golaha degaanka caasimadu   shir   deg-deg ah ka yeelan doonaan”.

Maayarku waxa kale oo uu sheegay inuu soo gabogaboobay wershaddii wadooyinka lagu samanayey, waxaanu yidhi “Waxaanu dadweynaha ugu bushaaraynaya in Karasharkiina dhaqaaqay, asfalkiina uu maanta tijaabo ku jiro, toddobaadka dambana uu wax soo saarkii soo bixi doonno, haddii alle idmo”

gabagabadiina maayar Soltelco waxa uu bulshada caasimadda ugu baaqay in ay la shaqeeyaa dawladda hoose oo ay cashuuraan hantiyahooda maguurtada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here