Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay oo cunaqabateeyey hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab

0
16
Fadhiga Golaha Ammaanka qaramada midoobay

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa liiska dadka lagu soo rogay cunaqabateynka waxaa uu ku daray seddex hoggaamiye oo Al-Shabaab ka tirsan.

Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab uu cunaqabateynka ku soo rogay guddiga cunaqabateynka golaha ammaanka ayaa kala ah Abuukar Cali Adan, Macallin Ayman iyo Mahad Karataay.

Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, halka Macalin Ayman sida golaha ammaanka ee Qaramada Midoobayuu sheegay uu yahay aasaasaha ‘Jeysh-Ayman’ oo ah guuto Al-shabaab ka tirsan oo weerarro ka fuliyay gudaha waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Mahad Karataay oo sida oo kale loo yaqaanna C/raxmaan Axmed Warsame ayaa isna golaha ammaanka uu ku sheegay in la aaminsan yahay inuu xubin firfircoon uu ka yahay ururka Al-Shabaab.

Mareykana wuxuu horay Mahad Karataay uu madaxiisa uu u dul dhigay seddex malyan oo doolar.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka sida oo kale Ayman waxay ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii January 2020 lagu qaaday xerada Simba ee ku taallay Manda Bay, ee dalka Kenya, halkaasi oo lagu dilay askar Mareykan ah oo ku sugnaa.

.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo dhaweysay go’aanka ay golaha ammaanku ay ku cunaqabateeyeen seddexdaasi horjooge oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo dhaweysay go’aanka ay Golaha Ammaanku ay ku cunaqabateeyeen seddexdaasi horjooge oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Tallaabbadan ayaa la sheegay iney timid kaddib markii ay Dowladda Soomaaliya ay arrintan ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here