“Gobolkii Saraar Waxa Gaw-racay Guddoomiye Baashe….Cali Siciid Raygal

0
20

Hargaysa (saxilnews.com)-Wasiirkii hore ee wasaaradda dibu dajinta xukuumadii madaxwayne siilaanyo Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in darajadii kor loogu soo qaadayay gobolka saraar uu diiday guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Cali Siciid Raygal ayaa tilmaamay deegaankii soo xambaaray xildhibaanimadda guddoomiye baashe uu ugu badalay inuu maanta ka reebo darajadii gobolka kor loogu soo qaadi lahaa waxaana uu yidhi.

Golaha wakiiladda waxa hogaaminayay guddoomiye baashe maxamed faarax oo ka soo baxay gobolka saraar oo ah meeshii lagu soo xambaaray inuu maanta ku dagaalamo oo uu yidhaahi waan gawracay caynaba oo waliba bulshadda ku noolna waan gawracayaa waa wax nasiib daro ah,lakiin bulshadda ku nool deegaanka saraar isaga iyo kuwa kaleba waxa ay u haysteen xildhibaano u maqan gobolka oo ka tirsan deegaankooda.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Bulsho Tv

Wasiir Cali Siciid Raygal oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi.”Lakiin Maanta Ragaas uu isku halaynayay gobolka saraar waxa ka muuqata waji kale oo colaadeed oo runtiina aad fool xumo wayn u leh,waxaana ku dagaalamay hogaanka meesha fadhiya inaanay A Noqon Gobolka Saraar.

Wasiirkii hore ee dibu dajinta somaliland Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in degmadda caynabo u qalanto in laga dhigo darajadda A Madaama oo darajooyinka ay haystaan degmooyinku lagu bixin doono wixii kab ah ee dawladu ku kabayso gobolada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here