“Waxaajirtay in dhalinyarrolaguyidhi haddiiaadTahriibtaan, farahaiyo indhaha way idinqabanaysaa. Waxaanukawacyigelinaaoo u sheegnaa in aanaytaasijirin”…. CaaqilAxmedfaarax.
“Fariintaaanshacabka u dirayaa, waxaytahay inqofwalibauuqaatowaraaqdiissadhalashadda, oo ah wax aadiyoaad u muhiim ah, waayomuwaadinba ma tihid, haddiiaanadqaadanwaydokaadhkadhalashadda”
Goobka mid ah goobahadiiwaangelinta ee magaaladda Burco
Sidoo kale gobolka Togdheer ayaa ka mid ah goboladda ay hada sida aadka ah uga socoto diiwaangelinta madaniga ah, kaasi oo intooda badan ay dadku is-diiwaangeliyeen, iyadoo qaarkood qaateen kaadhka halka kuwo kalena ay weli sugayaan.
Kormeerkani aanu ugu kuurgelaynay habka iyo hanaanka ay diiwaangelintu uga socoto goboladda dalka ayaanu ku soo marnay deegaamo ka tirsan goblka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco.
waxaanay ka socotaa 22 gobood oo gudaha magaalada Burco ah, halka lix Goobood loo qorsheeyey meelaha tuulooyinka iyo miyiga
Hadaba waxaanu wax ka waydiinay sida ay diiwaangelintu uga socoto goblkaasi gaar ahaan magaaladda Burco, caaqil Axmed Faarax oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Togdheer.
Isagoo arrintaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Haddii aan ka waramo diiwaangelinta gobolka Togdheer, waxay u socotaa si wanaagsan, waana muhiim in la qaato kaadhka dhalashadda. Wacyigelin ayaanu ku samaynay, todobadda subaxnimo ayaanu furnaa, ilaa koowda duhurnimo ayaanu shaqaynaa, hadana labadda duhurnimo ayaanu mar kale dib u furnaa ilaa afarta galabnimo. Diiwaangelinta muwaadinkuna waa wax aad iyo aad u wanaagsan.
Waa wax qofka u wanaagnsan, waa wax qaranka u wanaagsan, waa wax qoyska u wanaagsan. Waayo waxaynu ahayn dad reer Baadiye ah, oo aan lahayn dhalasho, oo inaga iyo dadka kale ee ajnabiga ah sida Oromada aynaan waxba ku kala duwanayn, waanaynu isku eg-nahay xagga midabka. Sidaas darted, waxaa wax lagu Illaahay lagu mahadiyo ah inagoo manta qaadanayna dhalasho rasmi ah. Markaa magaaladan Burco si wanaagsan ayay uga socotaa diiwaangelintu”.
Dhinaca kale caaqil Axmed Faarax, waxa uu sheegay in ay jireen hadallo been abuur ah oo bulshadda lagu soo dhex tuuray, kuwaasi oo shaki lagu geliyay dadka in haddii ay is-diiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhka dhalashadda in aanay wadamadda dibadda u bixi Karin, gaar ahaan dhalinyaradda oo lagu khal-khalgeliyay in aanay Tahriibi Karin.
“Waxaa jirtay in dhalinyarro lagu yidhi haddii aad Tahriibtaan, faraha iyo indhaha way idin qabanaysaa. Waxaanu ka wacyigelinaa oo u sheegnaa in aanay taasi jirin, ee shebekadu ay tahay Somaliland oo keliya. Markaa taana waanu ka saarnay, oo imika meel walba way yimaadaan dhalinyaradii, oo ciyaalkii way noo soo noqdeen, waanay qaataan kaadhka dhalashadda.
Togdheer waa gobol weyn, imika ilaa bil ayay ka soconaysay, sida la sheegayna waxay soconaysaa saddex bilood, markaa way ku dhamaan kartaa haddii ay sidaasi u socoto. Kol-kolbaa cilad yari nagu timaadaa, culays, xagga internet-ka ah, waananu xalinaa. Laakiin qof keliya ayay mararka qaar nagu qaadataa ilaa 30-daqiiqo ama saacad, hadana waa taasi iska socota.”
Mar uu ka hadlayay doorka cuqaasha ama madax-dhaqameedka ee wacyigelinta bulshadda iyo sida ay ula shaqeeyaan hawl-wadeenadda ka shaqaynaya goobaha ay diiwaangelintu ka soco, waxa uu yidhi “Cuqaasha, iyo inamadaasi dhalinyaradda ah ee shaqaynaya ayaanu nahay. Kolay caaqilkuna waa Hangool, Hangoolkana marka uu reer deggo ayuunbaa loo baahdaa oo la yidhaahdaa Hangoolkii mee, sidaas darted caaqilkana marka ay wax dhacaan ayuunbaa loo baahdaa, inta kale lama daneeyo. Laakiin waa cuqaashu waa Laf-dhabarta umadda, hase yeeshee marka la ogaado la’aantood in aanay waxba soconaynin, oo reerku dugsanyo, oo dawladu ay dugsanayso, oo cid waliba ay dugsanayso, laakiin cuqaasha sida ay tahay aan loo dhaqaallo gelin”.
Sidoo kale Caaqil Axmed Faarax, waxa uu fariin u diray bulshadda ku dhaqan gobolka Togdheer iyo deegaamadda hoos yimaadda. Waxaanu yidhi “Fariinta aan shacabka u dirayaa, waxay tahay in qof waliba uu qaato waraaqdiissa dhalashadda, oo ah wax aad iyo aad u muhiim ah, iyadoon Baabuurka lagugu qori Karin, waayo muwaadinba ma tihid, haddii aanad maqnayn ee aad wadanka joogto, bilaash ama lacag la’aan ku qaadan waydo kaadhka dhalashadda, waa la hubaa in aad maalin maalmaha ka mid ah u baahan doonto, waana la hubaa inaad u aayi doonto haddii aad qaadato.
Qofkii qurbaha iyo dabadaha soo arkay ayaa garanayee, anigu qurbaawi ayaan ahaa, markaa inanka yare e muwaadinka ahi wuxuu noogu hanjabi jiray, waxay ahayd dhalasho maanaan haysan. Waayo waxaa loo baahan yahay in uu qofku Koobi ka samaysto oo uu jeeka ku hayso wakhti kasta oo loo baahdo, in uu muwaadin yahay, haddii kale, waxay noqonaysaa wadanka xaqba kuma lihid”.
Diyaariye:Axmed Maxamuud Cismaan(Mr:Duni Cusub)