Go’aanka ay dadka ku farxeen ee ay soo saartay dowladda Morocco ka dib geeridii argagaxa lahayd ee Rayaan?

0
17
Sahanka waxaa loo qorsheeyay in laga fogaado dhacdo kale oo la mid ah tii Rayaan

Maamulka Marooko ayaa go’aansaday in ay sahamin ku sameeyaan dhammaan ceelasha aan la isticmaalin ee dalka ka dib markii wiil shan jir ah uu ku xayirmay ceel, ka dibna uu dhintay. Samatabixnta Rayaan ayaa waxay noqotay arrin toddobaad loo taagnaa balse nasiib darro lagu guuleysa waayay.

Arrinta Rayaan ee toddobaadkii hore ayaa waxay horseedday in malaayiin qof oo daafaha caalamka kala joogo ay dadka reer Morooko murugada la qeybsadaan.

Mas’uul ka tirsan wasaaradda biyaha oo lagu magacaabo Abdelaziz Zerouali, ayaa sheegay in sahankan loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay dhacdo musiibadii ku dhacday rayaan yare.

Waxa uu sheegay in cidii qoday ceelasha ee sharciga jabisay looga baahan yahay in ay bixiyaan lacago si looga dhigo kuwa badqaba.

Waxa uu intaa ku daray in in ka badan 1,000 qof oo reer Moroooko ah sannadkii hore loo ciqaabay qodista ceelasha sharci-darrada ah.

Iskudaygii lagu doonayay in wiilkaas godka loogaga soo saaro ayaa waxa uu soo jiitay indhaha dadka dalkaasi, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo uruureen ceelka halka kumannaan kun oo kalana ay dhacda kala socdeen dhanka online-ka.

Rayan Saalim, oo shan jir ahaa, waxa uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelka oo qodan 30 mitir, ka hor inta uusan ku dhicin.

Howlgalka badbaadinta Rayan

Warka ku saabsan geerida Rayan waxa uu lama filaan ku noqday dadka isticmaala baraha bulshada, gaar ahaan dalalka Carabta, kuwaasoo arrintiisa si dhow ula socday horumarka laga sameeyay howlgalka badbaadinta, rajona ka qabay inuu noolaan doono..

Waxaa laga yaabaa in qaabka uu ceelka u sameysan yahay iyo cunugga yar ee aan waxba kala ogeyn ee ku jiray mugdiga ay sabab u ahaayeen inay dad badan quluubtooda gilgilato.

Howlwadeennada gurmadka degdega ayaa muddaba ku mashquulsanaa sidii ay wiilkaasi nolol ugu soo bixin lahaayeen, hasayeeshee waxaa dedaalladii ay wadeen curyaamiyay cabsi laga qabay in dhulku uu go’o.

Muuqaal lagu soo duubay kaamaro hoos loogu dhaadhiciyay ceelka ayaa muujisay wiilka oo nool dareenkiisuna uu joogo, hasayeeshee wixii markaas ka dambeeyay ma jirin xog kale oo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.

Hooyo reer Marooko ah oo sugaysa warka kooxaha samatabbixinta ee ku hawlanaa sidii ay ilmaha shan jirka ah ee Rayaan uga soo saari lahaayeen ceel-ka

Waxaa aad looga walwalsanaa sida uu ku helayo neefta Oxygen-ta ilaa inta laga soo bixinayo.

Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here