George Floyd: Dadka jabsada xogaha dadka ayaa soo laabtay xilli ay Mareykana xasilooni darro ka jirto

0
22

(Saxilnews)Iyada oo dalka Mareykanka ay ka taagan yihiin kacdoon shacab oo ballaadhan oo ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka, kooxa qarsoon ayaa billaabay iney jabsadaan xogaha koombiyuutarrada

 

Kooxahan ayaa ficilladooda ay xogaha ku jabsanayaan ama weerarradooda dhinaca interneetka ku bartilmaameystaan hay’adaha ay ku eedeynayaan caddaalad darro iney ku dhaqmaan.

Sanada badan marki ay kooxahaasi aamusnaayeen, ayaa haatan waxay u muuqataa iney howlahooda dib u billaabeen, markii ay mudaharaadyada rabshadaha wata ka billowdeen Minneapolis kaddib dilki loo geystay George Floyd, iyagoo ballan qaaday iney kashifayaan “dambiya badan” oo ay booliska magaalada geysteen.

Waa kuwee kooxahan qarsoon?

Kooxahan wajiyadooda lama yaqaan, hogaamiyana ma laha. Waxaa keli ah oo la ogyahay iney yihiin dad badan oo howlahan oo keli ah ka mideysan.

Iyada oo ay jirin qaab dhismeed dhexe oo ay amar ka qaataan, haddana qof weliba oo kooxdaasi ka mid ah wuxuu aaminsan yahay inuu kooxdaasi ka tirsan yahay.

Taa waxay ka dhigan tahay xubnaha kooxdan ka tirsan iney ujeeddooyin kala duwan ay leeyihiin oo ay laheen hadaf mideeya oo la garanayo.

Balse guud ahaan waxay iisu arkaan, iney yihiin dad u dhaqdhaqaaqa ka hortagga shaqsiyaadka ama madaxda awoodda ku takrifasha. Howlaha ay qabtaanna waxaa ka mid ah weerarro dhinaca interneetka iney geystaan oo ay u dhacaan shabakadaha iyo iney shabakadahaasi ay ku qasbaan iney xirmaan.

Astaanta lagu gartana waxay tahay iney isticmaalaan maask nooca uu caanka ku ahaa Alan Moore ee filimanta badan lagu jilay.

Tallaabooyin noocee ah ayey qaadeen?

Weerarra badan oo dhinaca internetka oo maalmihii u dambeeyey dhacay ayaa lala xiriiriyey mudaharaadyada looga soo horjeedo dilkii loo geystay George Floyd.

Tan koobaad, Shabakadda waaxda booliska ee magaalada Minneapolis waxaa lagu qasbay iney xiranto danbayaaqadii toddobaadkii hore iyada oo ay kooxa qarsoon ee falalkaasi fuliya ay u dhaceen.

Kooxahanna shaqadooda ma aha oo keli ah iney xogaha jabsadaan balse waxaa kale oo ay sameeyaan iney shabakadaha ay doonayaan ay xiraan ama xannibaan, sida oo kale inta ay mudaharaadyada ka billowdeen Minneapolis waxay xireen shabakado ay leeyihiin shirkada waaweyn oo soo saara alaabaha aadka loogu baahan yahay.

Habka Nidaamka ay ku shaqeeyaan waaxda booliska waxaa laga jabsaday cinwaannadooda E-mailka, furaha sirta ee lagu galo, iyada oo aan la garaneyn cidda u dhcday shabakadda booliska.

Hase yeeshee, weli ma jiraan caddeeymo muujinaya in si buuxda loogu dhacay keydka lagu keydiyo xogaha booliska.

Bog ay leeyihiin dadka madowga ah oo lagu daabacay sawirka George Floy laguna qoray "xoog ku naso"Lahaanshaha sawirkaUN

Twitterka waxaa lagu baahiyey, farriin muuqaal ah oo aan la xaqiijin balse muujinayso fooneeyaha ay booliska isticmaalaan oo ay heesa ka baxayaan oo lagu wada xirirayo.

Hase yeeshee, khubaradu waxay sheegeen inuusan u ekeen mid la jabsaday, balse ay u muuqdaan alaabti ay bililiqeysteen dadki wax boobayey inta ay mudaharaadyada socdeen, waa haddii uu muuqaalku yahay mid sax ah.

Soo noqoshada ma tahay mid la aamini karo?

Wariyaha BBC uga soo warrama New York Nick Bryant ayaa kacdoonka ay shacabka Mareykanka sameeyeen ku tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa oo dhaca wixi ka dambeeyey dilki Martin Luther King 1968-kii.

Waxay ka soo horjeeddaa qoraalkan bog ee Facebook ku andacoonaya in lala xiriirinayo in dad aan la garaneyn ay baahiyeen muuqaal ku saabsan geerida Mr Floyd, isaga oo ku eedeeyay dambiyo badan oo kale oo ku lug lahaa booliiska Minneapolis, una hanjabaya in ay tallaabo qaadi doonaan.

.Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK

Isla bogga geerida George Floyd lagu baahiyey si la mid waxaa toddobaadyadi ugu dambeeyey boggaasi lagu baahinayey muuqaallo ku saabsan saxanta duusha (UFO) iyo “qorshaha Shiinaha uu ka damacsan yahay inuu dunida ku baab’iyo.”

Balse waxay arrintan indhaha caalmaka soo jiidatay marki shabakadda waaxda booliska ee magaalada Minneapolis la jabsaday laguna kallifay iney xiranto.

Ma jireen waxyaabaha noocan ah oo horay u dhacay?

Dhacdadii ugu horreysay ee aadka loo xusuusto waxay ahayd tii dhacday 2008-dii oo lagula kacay “Church of Scientology”, weerarka dhinaca internetka ee shabakadda kaniisaddaasi loo geystay oo sababay iney shabakadda gabigeedba xiranto, isla markaana ay soo dhacaan taleefanno aan jirin iyo farriimo Fax oo maran oo lagu carqaladeynayo xiriirka ay sameyn lahaayeen.

Sanada badan kaddib marki ay isku soo beegmeen qalalaasihii dhaqaale ee dunida iyo billowgii kacdoonkii Carabta waxaa weerar noocaasi lala beegsaday shirkadda filimaanta soo saarta ee “Sony Entertainment” iyada oo looga gol lahaa in la muujijyo taageerada loo hayo mudahaardkii Wall Stree.

Mowduucyada la xiriira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here