GARYAQAANKA GUUD EE QARANKA OO FASIRAY AWOODAHA UU MADAXWEYNE MUUSE BIIXI U LEEYAHAY INUU SOO SAARO XEER NIDAAMIYE CUSUB

0
16

Hargeysa(saxilnews.com):-Garyaqaanka Guud ee qaranka somaliland Cabdisamad Cumar Maal ayaa ka hadlay awooda uu madaxweyne Muuse Biixi adeegsaday ee uu u cuskaday xeer nidaamiyihii xukuumada ee uu dhawaan soo saaray.

Cabdisamad Cumar Maal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu awood u leeyahay inuu soo saaro xeer nidaamiye cusub isaga oo tilmaamay in xeerkii ay hore baarlamaanku u ansixiyeen uu awood u siinayo.

Garyaqaanka guud ee qaranka Cabdisamad Cumar Maal ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay “Xeerkan uu madaxweynuhu soo saaray waa awood xeerareed oo uu siiyey xeerka baarlamaanku, xeerkan baarlamaankuna waxa uu sheegayaa xilalka iyo waajibaadka wasaaradaha, hay’addaha madaxa banaan, wasiirada,

wasiir ku xigeenada, agaasimayaasha iyo badhasaabada wuuna tirinayaa, waxaanu sheegayaa xilalka golaha fulinta oo ay ka reeban yihiin goleyaasha deegaanku.”
Garyaqaanka guud ee qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadaba in xilalka iyo waajibaadka sidaas loo sheegay aanay sidaas ahaanaynin n waligood balse loo badali karo baahida iyo qorshaha xukuumada ayuu xeerkani sheegayaa, waxaanu awood u siinayaa madaxweynaha inuu waafajin karo qorshaha horu marineed iyo barnaamij siyaasadeed ee dawlada markaa joogtaa una badali karto hay’addaha dhisan, tusaale ahaan haddii la sameeyo wasaarad baaskiiladaha samaysa dee maaha in waligeed wasaarada baaskiiladuhu samaysnaato, haddii laga maarmo oo mootooyin loo badalo waa in mootooyin loo badalaa ayuu xeerku sheegayaa oo baahida bulshada ayuu ka duulayaa isaga ayaana ka jawaabaya xeerku.”

Ugu dambayn Garyaqaanka guud ee qaranka Cabdisamad Cumar Maal ayaa hadalkiisa ku soo xidhay “Qodobka 18aad waxa uu leeyahay awoodaha xadaynta shaqada xukuumada, awooda in la xadeeyo shaqada xukuumada yaa leh, madaxweynuhu xeerku siinayo oo ah mid baarlamaan waxaanu leeyahay madaxweynuhu isaga oo isticmaalaya awoodiisa xeereed waxa uu u qoondaynayaa xukuumada iyo laahameeda shaqooyinka ay qaabilsan yihiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here