Gantaallada Ruushka: Muxuu yahay hubka uu Turkiga helay ee Mareykanka halista galiyay?

0
19
A demonstration of the S-400 missile system

Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib markii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay.

Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolojiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic.

Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, maalintii Isniinta, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas.

Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka.

Mareykanku wuxuu mar hore Turkiga ka saaray barnaamijkiisii ​​diyaaradeed ee F-35. Taasina waxay ahayd tallaabo uu jawaab uga dhigay in Turkiga uu soo iibsaday gantallo kale.

Muxuu Mareykanku diidan yahay?

“Mareykanku wuxuu si cad Turkiga ugu sheegay, weliba heerkii ugu sareeyay, in qalalbka gantaalka ee S-400 uu halis galinayo amniga teknolojiyadda iyo militariga ee Mareykanka, ayna dhaqaale badan ka heli doonto waaxda difaaca ee Ruushka iyo sidoo kale in hubkan uu halis gelinayo ciidamada qalabka sida ee Turkiga iyo warshadaha difaaca,” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

“Iyadoo arrintaasi ay jirto, Turkiga wuxuu go’aansaday inuu soo iibsado, tijaabiyayana gantaallada S-400,” ayuu sii raaciyay.

Cunaqabateyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Agaasinka laamaha Difaaca ee Turkiga, Ismaaciil Demir iyo seddex kale oo shaqaale ah.

Waxaa ka mid ah mamnuucida oggolaanshaha dal-ku-galka Mareykanka iyo sidoo kale in la xannibo wixii hanti ah ee u yaalla goobaha uu Mareykanka awoodda u leeyahay.

Muxuu Turkiga ka yiri tallaabadan?

File photo: A Russian military official walks in front of The S-400 Triumph anti-aircraft missile system, 22 August 2017

Xukuumadda Ankara waxay ku doodeysaa in sababta ay hubkan uga iibsatay Ruushka ay tahay, ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu ka iibiyo gantaallada Patriot-ka ee uu sameeyo.

Saraakiisha Turkiga waxay tilmaameen xaqiiqda ah in Giriigga – oo ah xulafada kale ee ka tirsan gaashaan buurta Nato – ay haystaan gantaalka S-300, in kastoo aan toos looga soo iibsan Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa Mareykanka ugu baaqday in uu “dib uga fiirsado go’aankan caddaalad darrada ah ee lagu dhawaaqay”.

Waxay sidoo kale wasaaradda ay sheegtay in Turkiga “uu diyaar u yahay in uu wax ka qabto arrintan iyada oo loo marayo wadahadal diblomaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka isbahaysiga Nato”.

Wasaaraddu waxay ka digtay in cunaqabateynta Mareykanka “ay saameyn xun ku yeelan doonto xiriirka labada dal, taasi oo horseedeysa in Turkiga uu aargoosan doono xilliga ugu habboon”.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sidoo kale cambaareeyay go’aanka Mareykanka isagoo ku tilmaamay “muujin kale oo la xiriirta dabeecadda isla weynida ah ee Mareykanka, taasi oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.”

Sida uu Turkiga muhiim ugu yahay gaashaanbuurta Nato?

.
Qoraalka sawirka,Ciidanka Turkiga

Turkiga ayaa leh ciidanka labaad ee ugu badan Nato, oo ay miltariga 30 dal xubno ka yihiin.

Turkiga waa mid ka mid ah xulafada Mareykanka ee ugu muhiimsan NATO, wuxuuna ku yaal meel istiraatiiji ah. Waxaa uu xuduudo la wadaagaa Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan.

Waxuu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray dagaallada Suurya, isagoo hub iyo taageero militari siiyay qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka.

Si kastaba ha noqotee, Turkiga wuxuu arkay inuu sii xumaanayo xiriirkiisa qaar ka mid ah xubnaha Nato iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo Mr Erdogan ku eedeeyay inuu qaatay nidaam keli-talisnimo ah ka dib afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Ciidama ka mid ah NATO oo ku sugan Afqaanistaan 2006-dii

Gaashaanbuurta Nato waxaa la aasaasay sanadkii 1949-kii iyada oo waddamada isku bahaystay ay ujeeddadoodu ahayd si ay isaga caabbiyaan isballaarintii Midowga Soviet uu ku hayey waddamada Yurub, iyada oo ay NATO tahay xulafada militari ee hadda ugu awoodda badan caalamka.

Waxaa asal ahaan aasaaska gaashaanbuurta uu salka ku hayaa “ilaalinta xornimada, ilbaxnimada iyo aasaarta ma guurtada ah ee ay isla wadaagaan dalalka xubnaha ka ah ee ku yaalla waqooyiga Atlanta.

Gaashaanbuurta Nato waxaa xubno ka ahaa oo lagu aasaasay 12 dal, iyada oo 1952-kii ay ku soo biireen waddamada Greece, Turkiga iyo Jarmalka Galbeed.

Siduu u shaqeeyaa hubka S-400 ee Turkiga uu ka iibsaday Ruushka?

Diagram of how S-400 missile system works
  • Radaarka ilaalada fog wuxuu daba galayaa walxaha qarxa iyo diyaaradaha, wuxuuna u gudbinayaa macluumaadka gaariga laga hagayo qalabka difaaca, kaas oo qiimeynaya bartilmaameedyada suuragalka ah
  • Bartilmaameedka marka la ogaado wuxuu amrayaa gaariga in gantaalka la rido
  • Xogta in la rido gantaalka ayaa loo dirayaa gaariga gantaalada ridaya kaasi oo hawada u diraya gantaallada
  • Raadaarka wuxuu caawiyaa in si fudud gantaalada loogu hago dhanka bartilmaameedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here