Gacan ku dhiiglahan qisaasta sida deg deg ah loogu fuliyey ayaa lagu magacaabaa Maxamed Faarax Dayyib,waxaana uu Laba cisho ka hor Buuhoodle ku diley wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiraxiim Saleebaan Faarax “Rabiish” kadib markii uu si gaadmo ah ugu diley habeen Mindi,taas oo ka dhalatay dagaal dhex maray labadan wiil.
Qisaastan deg deg ah ee lagu fuliyey gacan ku dhiigle Maxamed Faarax Dayyib ayaa Ramaasnews loo sheegay in ay ka danbaysay kadib markii Labada Reerood ee ay labada Wiil ka kala dhasheen ku heshiiyeen in la isku dilo taas oo ah xeer u yaala labadan Reerood oo dhigaya reerka qof laga dilo in loo dilo gacan ku dhiiglihii dilay qofkaasi,waxaana sidaasi shalay lagu diley gacan ku dhiigle Maxamed Faarax oo dhawaan Buuhoodle ku khaarajiyey wiil dhalinyaro ah oo si wayn uga qayb qaatay gurmadka iyo taakulaynta dadka ay iskugu darsameen Abaarta iyo xanuunada Shuban Biyoodku.
Talaabadan la qaaday ee muddo 48 saacadood gudahood ah lagu dilay gacan ku dhiiglihii dilka gaystay ayaa waxa si aada usoo dhaweeyey bulshada Magaalada Buuhoodle iyo waliba culimada gobolka Cayn iyaga oo sheegay in ay waajib tahay in qofkii qof dila in loo dilo,waxaana ay sheegeen in talaabadan ay tahay talaabo ku dayasho Mudan.