Gabiley(Saxilnews);-Wariyihii Telefishanka Caalamiga ee SBC uga hawgalayey Gobolka Gabiley Cabdirashiid Saleebaan Muuse (Baalgorey) ayaa habeenkii labaad sifo sharciga baal marsan ugu xidhan saldhiga booliska magaalada gabiley ka dib markii uu maayirka Degmada gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi uu habeenkii xalay ahaa xabsiga dhigay wariyahaasi isaga oo aan u soo marin sifada sharciga ah islamarkaana si sharciga baalmarsan ay ciidan boolisa oo uu soo diray maayirka gabiley ka soo xidheen gudaha magaaladaasi Gabiley kaasi oo markii ay ciidanka boolisku geeyeen Saldhiga aan laga qorin wax fal-dambiyeed oo loo haysto si ju-juubana birta loo dhaafiye iyadoo ilaa hadana uu wariyahaasi u xidhan yahay Maayirka Magaalada Gabiley.
Xadhiga Wariyahani Habeenkii Labaad Ku Xidhan Magaalada Gabiley oo aan ilaa hada la garanayn sababta ka dambaysa Amarka uu Maayirka Gabiley ku xidhay wariyaasi Telefishanka SBC uga hawlgalayey Gobolka Gabiley balse waxa uu xadhiga wariyahani u muuqdaa cabudhi ay dawladu ku hayso xoriyatul-qaylka.
Sidoo Kale Maayirka magaalada gabiley ayaa mudooyinkii ugu dambaysay caadaystay cabudhinta Xoriyatul-Qawlka iyo cago-juglaynta saxaafada iyadoo horena u jirtay suxufiyiin uu kula kacay xadhig sharci daro ah.
La Soco Wararka Dambe Ee Ka Soo Kordha Wariyahaasi.