GABADH MUSLIN AH OO ISU SOO SHARAXDAY DOORASHADA MADAXWEYNE EE KA DHACAYSA DALKA RUUSHKA

0
16

Mossco:-(HTN) Aina Gazatova oo ah haweeney Muslim ah ayaa ku dhawaaqday inay kula tartamayso xilka madaxtinimada dalka Ruushka Vladamir Putin doorashada March 2018. Boqolaal taageerayaasheeda ah ayaa ku soo ururay magaalada Makhachkala caasimada Dagestan labo maalmood kadib markii ay ku daabacday bogga ay ku leedahay facebooga, inay tahay musharax madaxtinimada dalka Ruushka.Gamzatova ayaa madax ka ah warbaahinta ugu weyn ee ay leeyihiin Muslimiinta wadanka Ruushka waxayna maamushaa Islam.ru oo ka kooban taleefishin,Idaacad iyo wargeysyo.

Aina oo ah 46 sano jir u dhaxday Akhmad Abdulaev oo ah muftiga Dagestan ayaa noqonaysa haweeneydi ugu horeysay ee Muslim ah oo u tartanta doorashada mid kamid ah wadamada ugu waaweyn caalamka. Hase yeeshee deegaanka  ay ka soo jeedo  ee ah Dagestan ayaa ah meel ay rabshado badan ka dhacaan iyadoo iskahorimaadyo u dhexeeya dagaalyahano, qabaa’ilo iyo ciidamadda dawlada Ruushka lagu diley kumanaan ruux.

Haweeneydan haatan shaacisay inay tahay musharax Madaxweyne ayaa waxay ka tirsan tahay dariiqada Suufiyada oo kumanaan ruux ay xubno ka yihiin hogaamiyihii dariiqada Suufiyada dalka Ruushka Said-Afandi Chirkavi ayaa waxaa uu ku dhintey  markii haweeney waxyaalaha qarxa isku soo xidhay  ku weerartay Caucasus sanadkii 2012. Wadanka Ruushka oo dadka ku nool ay tiradoodu gaadhayso  140 milyan  ayaa 20 milyan  oo ka mid ahi waxa  ay yihiin  Muslimiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here