Selena Gomez ayaa teleefonkeeda ka saartay barta Instagram-ka kaddib markii ay dareentay welwel iyo walaac.
Mar ay ka hadashay goob lagu soo bandhigayay filinkeeda cusub, waxa ay sheegtay in si xun ay nolosheeda u saameysay isticmaalka baraha bulshada.
Waxay barteeda Instagram-ka ku xiran dad gaarayo 152 milyan balse waxay sheegtay inaysan badanaa isticmaalin.
“Horay waan isticmaali jiray balse waxaan u malaynayaa in dhalinta da’da yar ee isticmaasha ay u horseedeyso caafimaad darro sida midda i qabsatay aniga.” ayey tiri.
Selena waxay sidoo kale dhawaajisay inay ka walaacsantahay dadka badan ee wakhtigooda ku luminaya baraha bulshada.
- Gabadh 12 maalmood dhalan oo abaalmarin geesinimo ah la siiyay
- Gabadh bistoolad la raacday diyaarad Maraykanka ka duushay
- Gabadh 12 maalmood dhalan oo abaalmarin geesinimo ah la siiyay
“Waa qayb wanaagsan oo kamid ah baraha bulshada balse waxaa welwel i horseedaya marka aan arko dhalinyaro aanan ka warheynin waxa ka socda baraha bulshada,” ayey tiri.
“Baraha bulshada dhibaato ayay ii horseeday runtii.”
Selena ayaa marar badan ka hadashay sababta ay barteeda Instagram-ka teleefonkeeda uga tirtay kaddib markii aflagaadooyin loo gaystay.
Waxaa ku khasbay in mar dambe aysan adeegsan Instagarm-ka markii qaar kamid ah taageerayaasheeda ay aflagaadeyeen.
“Dadka fariimaha caayda ah soo qoraya waxay doonaya in dadka ay ku abuuraan walaac iyo niyad jab.” ayey tiri.
Gabadhan oo kamid aheyd dadka ugu taageerada badan dadka adeegsada barta Instagramka ayaa afladdadii ay kala kulantay halkaasi ku dhalisay in gebi ahaanba ay joojiso bartaas.
Waxay sheegtay in aysan heysanin lambarka sirta ah ee lagu galo barteeda Instagram-ka balse uu u maamulo qof kale