Gaadiid Tiro Badan Oo Ku Xanniban Kaantaroolada Bariga Iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa+Sababta

0
20
Hargeysa(Saxilnews)Wararka nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in khilaaf culusi uu ka dhashay amar ay soo saartay wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland iyo maamulka dawlada Hoose ee degmada Hargeysa isla markaana sheegaya in cashuur dheeraad ah lagu soo rogo shirkadaha Sharaabka iyo Biyaha keena magaalooyinka Somalilan,waxaana ay masuuliyiiintani soo jeediyeen In kartoonkii Sharaab ah ama Biyo ah la saaro 1000 (Kun) Shilling oo lacagta Somaliland ah,balse amarkaas ayaa waxa diiday sida naloo sheegay shirkadaha kala duwan ee soo saara sharaabka iyo Biyaha kuwaas oo lacagtaasi ku tilmaamay inaanay sharci ahayn xaqna loogu lahayn,waxaana ay ka dhawaajiyeen in aanay bixinayn lacagtaasi la saaray ee dheeraadka ah.

Ilaa shalay ayaa waxa kaantaroolada Bariga iyo Galbeedka magaalada hargeysa ku xanniban gadiid tiro badan oo sida Sharaab iyo Biyo isla markaana soo gali lahaa magaalada,waxaana gadiidkii la waydiiyey cashuurtii dheeraadka ahayd intaasi ka dibna darawaliintii gaadiidka ayaa iyagu sheegay inaanay bixinayn lacagtaasi isla markaana masuuliyiinta shirkadaha ay u shaqeeyaan ay ku amreen in aanay bixin waxaana ay gaadiidkii tubeen kaantaroolada dhinacooda.

Gadiidkan tirade badan ee sida Sharaabka iyo Biyaha kala duwan ee ay soo saaraan shirkadaha kala duwan ayaa waxa ay ilaa hadda ku xaniban yihiin kaantaroolada galbeedka iyo bariga magaalada Hargeysa.

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa iyagu fadhi ay hore u yeesheen waxay ku laaleen wareegtadaas lacagta dheeraadka ah lagu saarayo shirkadaha isla markaana ay soo saareen wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo maamulka dawlada Hoose caasimada Hargeysa.

Gabagabadiina Mar aan isku daynay inaan khadka telefoonka kula xidhiidho Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco si aan wax uga waydiino arrinkan khilaafka ah ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo ugu naga qaban waayey awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here