Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas

0
23

(Saxilnews)

Dagaalka Mareykanka iyo Shiinaha ee la xidhiidha cudurka safmarka ee coronavirus sida uu ku soo billowday ayaa markale soo laba kacleeey kaddib markii uu Senetar ka tirsan mareykanka uu Shiinaha ku eedeeyey inuu isku dayaya inuu hor istaago dadaallada cudurka dawo looga raadinayo.

Rick Scott wuxuu sheegay inuu caddeymo arrintaasi muujinaya ay ka helayaan “laamaha sirdoonka ee ay leeyihiin”, balse uu ka gaabsaday inuu faahfaahin uu ka bixiyo.

Beijing waxay shaacisay dokumanti ay ku sheegtay cudurka marka uu dalkeeda ka dillaacay xogta iney Mareykanka la wadaagtay 4-ta bisha January.

Dadka faayraska corona dunida ugu dhintay waxay tiradooda maanta oo Axad ah ay kor u dhaaftay 400,000.

Sida ay tilmaameyso xogta ay soo saartay Jaamacadda John Hopkins, tirada dadka cudurka uu soo ritay ee heer caalamina waxay gaareen 7 malyan oo qof.

Rick Scott muxuu yiri?

Seneter Rick Scott oo laga soo doorto gobolka Florida, oo ka tirsan guddiyada aqalka sanetka gaashaand dhigga iyo amniga dalka gudahiisa wuxuu ka hadlay barnaamijka BBC ee Andrew Marr Show.

Wuxuuna sheegay: “Waan ognahay inaan u baahannahay in tallaal la sameeyo. Nasiib darrose waxaa haynaa caddeyma muujinaya Shiinaha inuu doonaya inuu qalqal geliyo dadaallada ama gaabis uu ku yimaaddo.”

Dhalooyinka dawo ahLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionKhubarada qaar ayaa aaminsan in dawada cudurkan la heli karo bartamaha sanadka 2021-ka, balse ma jirto cid dammaanad qaadi karto.

Ms Scott oo laba mar hadalkiisa ku celiyey wuxuu yiri: “Shiinaha ma doonayo inuu dawada ugu horreysa ay helaan Mareykanka, Ingiriiska ama Yurub. Waxayna go’aansadeen iney cadow ku noqdaan Mareykanka iyo Dimuqraadiyadda dunida oo dhan.”

Mr Scott oo si weyn u taageera Madaxweyne Donald Trump, wuxuu markale su’aal geliyey “caddeymaha iney laamaha sirdoonka ka soo baxayaan balse uu dooneyn xogtaasi waxa ay tahay inuu faahfaahin uu ka bixiyo.”

Wuxuuna intaa ku daray haddii “Ingiriiska ama Mareykanka ay dawada hor helaan iney dawada dunida kale la wadaagayaan. Balse Shiinaha hanti wadaagga ku dhisan haddii ay dawad iyadu hor hesho ay dooneyn iney dunida la wadaagto.”

Horay maxaa u dhacay?

Maamulka Trump wuxuu si joogta ah uu Shiinaha ugu eedeeyaa sida uu u maareeyey cudurka safmarka ee coronavirus.

Iyada oo Trump marar badan uu magaca coronavirus uu hal qabsi uga dhigay “faayraska Shiinaha”, isaga oo intaa ku daray inuu caddeynayo Covid-9 inuu ka soo ifbaxay sheybaar ku yaalla dalka Shiinaha.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu sheegay iney jiraan ama la hayo “caddeymo aad u weyn” balse uu Shiinaha weli iska indhatirayo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday dalkiisa xiriirki uu la lahaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO inuu joojiyey.

Madaxweyne Trump wuxuu hay’adaha qaramada midoobay ku eedeeyey ‘iney ku guul darreysteen” maareynta cudurka safmarka ee Covid-19.

“Shiinaha ayaa gabi ahaanba gacanta ku dhigay WHO,” ayuu yiri madaxweynaha xilli uu shaacinayey tallaabbooyin la rabo in lagu ciqaabo Beijing.

Washington dhaqaalihii ay ku bixin jirtay hay’adda WHO waxay u wareejineysaa meela kale, ayuu yiri.

Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan 2019-ka siisay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO dhaqaalahaasi oo ka badan $400 malyan oo doolar.

Madaxweyne Trump oo iisu diyaarinaya in sanadkan uu markale u soo istaago musharraxnimo si markale loo soo doorto ayaa si weyn looga dhaleeceeyay sida uu u maareeyey cudurka safmarka ee ka dillaacay Mareykanka, halka uu isaguna eed uu dusaha kala dhacay Shiinaha inuu isku dayay inuu dunida ka qariyo cudurka safmarka ee dalkiisa ka soo billaawday.

Trump muxuu yiri?

“Dunida waxay wajaheysaa natiijada ka dhalatay qeyramsuulinimada ay sameysay dowladda Shiinaha,” ayuu yiri madaxweyne Trump oo aqalka cad ka hadlay

Wuxuuna intaa ku daray Shiinaha “inuu qariyey cudurkan safmarka ee galaaftay dad ka badan 100,000 oo qof oo Mareykanka u dhalatay”.

Madaxweynaha wuxuu Shiinaha ku eedeeyey iyada oo cadaadineyso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO “ay dinida ku marin habaabisay” faayraska.

Xaalka dawo raadinta halkeey mareysaa?

Kooxo cilmibaadhayaal ah oo daafaha dunida ku kala nool waay ku guda jiraan sidii ay faayraska corona dawo ugu heli lahayeen iyada oo dawooyinka qaar ay marayaan heer tijaabo.

Tijaabadi ugu horreysay ee daooyinkaasi lagu sameeyeyna waxaa laga muujiyey ididiilo wanaagsan.

Balse weli cidna ma sheegi karto waxtarka kama dambeysta ah ee ay leeyihiin dawooyinkaasi la tijaabiyey.

Mareykanka muxuu Shiinaha u eedeynayaa?

Madaxweyne Trump waxaa bisha November u billaabmeyso ololaha uu ku doonayo in dib looga soo doorto, balse waxaa hortaagan dhaqaalaha dalka Mreykanaka oo hoos u dhacay waxa keli ah uu la shirtagi karo wakhti xaadirkanna ay tahay xaaladda Coronavirus ee taagan.

Natiijada ka soo baxday daraasad kooban oo bishii hore la sameeyey ayaa muujineyso 2/3 dadki daraasaddaasi ka qayb galay inay Shiinaha u arkaan waddan xun. Balse tira aan intaa ka yareenna waxay aaminsan yihiin Mr Trump jawaabta uu cudurka safmarka uu ka bixiyey inuu gaabis badan uu ku jiro.

Madaxweyne Trump oo ay ka yaabisay sida uu cudurka coronavirus uu u sameeyey dalka Mareykanka ayaa magaca cudurka u adeegsaday ‘China Virus’, balse Trump ayaa halqabsigaasi joojiyey wixii ka dambeeyey marka uu taleefan kula hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Tani iyo bishi January marka uu cudurku billaabay inuu ku faafo dalka Mareykanka, wuxuu Trump uu Shiinaha la saxeexday wajiga kobaad ee hieshiiska ganacsi oo ay ku sheegeen iney ku dabcinayaan dagaalki ganacsiga ee canshuuraadka ka dhashay.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu rajeynayo wajiga labaad ee heshiiska muhiimka in la guda geli doono waloow uu haatan hakad geliyey howlahaasi cudurka safmarka ee coronavirus.

bb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here