Fidmo Kale Oo Itoobiya Kaga Furantay Jiho Kale Iyo Xuduudda Ay La Wadaagto Kenya Oo Colaadi Ka Taagan Tahay

0
14

Ugu yaraan 10 qof oo u dhashay Kenya ayaa xidhay, waxaana loo kaxeystay dhinaca Itoobiya xilli ay xisaad ka taagan tahay xadka labada dal.

Shacabka ku nool magaalada Mooyaale ee Kenya ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay gudaha usoo galeen dhinaca Kenya iyagoo ku raad joogo koox dhalinyaro ah.

Ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in dhalinyaradan ay gabaad siiyeen xubno ka tirsanaa koox la yiraahdo OLF Shane kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro is xig xigay oo ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay daawanayeen markii ciidamada Itoobiya ay dhalinyarada ka dhex qabanayeen gudaha Kenya. Kenya iyo dowladda kama aysan hadlin arrintani. Militeriga Itoobiya ayaa haatan wadaa howlgallo ka wadaa koonfurta iyo waqooyiga Itoobiya kaas oo looga soo horjeedo kooxda OLF Shane, waxaana in maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal culus ka dhacay deegaanada xadka xadka.

Horraantii bishan ayay aheyd markii, koox hubeysneyd oo ka tirsaneyd ururka OLF Shane ay 60 qof dileen halka ay dab qabadsiiyeen ilaa 20 guri oo ku yaalla deegaanno dhaca galbeedka Itoobiya. Kooxda OLF Shane waxay horey uga tirsaneyd jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF, taas oo heshiis nabadeed la gashay dowladda markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here