FBI-Da Oo Weerarkii Saldhigga Florida Fal Argagixiso Ku Tilmaantay

0
14

Wakaaladda FBI ee Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkii dadka lagu laayey ee ka dhacay Jimcihii saldhigga ciidamada badda ee Florida ay u haystato inuu fal argagixiso ahaa.

Ninka dableyda ahaa ee Sucuudiga ahi waxa uu tabobar u joogay saldhiggaa Pensacola waxaanu dilay saddex askari intaan isagana toogashada lagu dilin.

Dembi baadhe ka tirsan wakaaladda oo la yidhaa Rachel Rojas ayaa sheegtay in FBI baadhayso in ninkaasi keligii falkaa go’aansaday iyo in ay jirto cid kale oo hawshaa kula jirtay.

Waxay sheegtay in arday kale oo Sucuudi ah oo saldhigga tabobar u jooga su’aalo la weydiiyey laakiin aan la xidhin. Waxaanay sheegtay in lagu hayo saldhigga oo ay gacan siinayaan dembi baadheyaasha.

Dadka la dilay waxa lagu sheegay in ay kala yihiin Joshua Kaleb Watson oo 23 jir ah, Mohammed Sameh Haitham 19 jir iyo Cameron Scott Walters 21 jir.

Ciidanka badda Maraykanku wuxu sheegay in askartii saldhiggaa joogtay ay “muujiyeen geesinimo iyo naf hurid ay sharkaa kaga hor tageen”.

Shir jaraa’id oo ay qabatay Axaddii ayaa Rojas aanay wax faahfaahin ah kaga bixin waxa ilaa haatan baadhitaanka lagu ogaaday.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ninka dadka toogtay oo ahaa 21 jir lana odhan jiray Maxamed Alshamraani uu hubka uu sitay sifo sharci ah kaga iibsaday Maraykanka dhexdiisa, waxaanu ahaa baastoolad cabbirka rasaasteedu tahay 9mm.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xigatay askari aan la magac dhabin ayaa ku warantay in Alshamraani horaantii todobaadka uu daawadsiiyey askarta kale xilli qadihii muuqaal muujinaya qof dad badan rasaas la dhex qaadaya.

Sida uu sheegay urur ilaaleeya waxyaabaha lagu baahiyo internet-ku, bog ku yaal shabakadda Twitter-ka oo la moodo in uu lahaa Alshamraani ayaa sidoo kale waxa ku yaal qoraallo xidhiidh ah oo Maraykan nacayb ah oo la baahiyey shilkaa ka hor.

Saldhigga Pensacola muddo dheer ayuu ahaa goob tabobarrada duulimaadyada lagu siiyo saraakiil ka socota milatariga dalalka shisheeye.

Duuliyeyaasha Sucuudiga in halkaa lagu tobobaro waxa la bilaabay sannadkii 1995-kii waxaana sidoo kale iyaguna tagi jiray kuwo ka socda dalalka Talyaaniga, Singapore iyo Jarmalka. Waxaana saldhiggaa ka hawl gala in ka badan 16,000 oo askar ah iyo 7400 qof oo shaqaale rayid ah.

Alshamraani waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka cirka Sucuudiga [ oo ka mid ah saraakiisha tabobarka u joogay saldhigaas].

Mar sii horraysay ayaa wasiirka gaashaan dhigga Maraykanka, Mark Esper, amar ku bixiyey in dib loo eego xeerarka baadhitaanka hubsiimada askarta shisheeyaha ah ee tabobarada u taga Maraykanka.

Esper oo telefishanka Fox News la hadlay Axaddii ayaa sheegay in uu amar ku bixiyey in saraakiisha sarsare ee gaashaan dhiggu ay dib u egaan xeerarka nabadgelyada ee saldhigyada dalkaas.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isna sidoo kale ballan qaaday in dib loo eegi doono xeerarka iyo shuruudaha milatariga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here