Farmaajo Oo Xilalkii Ka Qaaday Guddoomiyeyaashii Maxkamadda

0
20

Muqdisho (saxilnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soo jeedin ka timid Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Somaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Madaxweynaha ayaa xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo muddo ka soo shaqeynaayey Garsoorka dalka, sidoo kalena ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi oo aqoon durugsan u leh Shareecada iyo Qaanuunka loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan waxa uu xilalkii kaga qaaday Gudoomiyeyaashiii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkmadda Racfaanka Gobolka Banaadir

Mudane Aweys Sheekh Cabdullaahi Weheliye iyo Mudane Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku saleeysan ballanqaadkiisii ahaa inuu dib u habayn ku sameeyo nidaamka garsoorka dalka Somaliya oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here