Faransiiska oo ka soo horjeestay in tallaalka coronavirus lagu billaabo Mareykanka

0
28
Waa shirkad dawooyinka sameysa oo ku taalla Paris waxayna canshuur dhimis ka heshay dowladda FaransiiskaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionSanofi waa shirkad dawooyinka sameysa oo ku taalla Paris waxayna canshuur dhimis ka heshay dowladda Faransiiska

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay inaysan “wax la aqbali karo ahayn” in shirkadda faransiiska laga leeyahay ee Sanofi ay mudnaanta koowaad siiso suuqyada Mareykanka haddii ay soo saarto tallaalka dawada u ah cudurka Covid-19.

Xukuumadda Paris ayaa ka jawaabeysay hadal uu jeediyay agaasimaha guud ee Sanofi, Paul Hudson, oo sheegay “in dowladda Mareykanka ay tahay tan ugu weyn ee lagu tix galin doono dalabaadka horay loo sii dhiibanayo ee ku saabsan tallaalkaas, maadaama ay iyadu maalgalin u sameysay, khatartana u bareertay”.

Ra’iisul Wasaare Edouard Philippe ayaa sheegay in qodobka ku saabsan in dawadaas aan la kala xigin uu yahay “mid aan laga gorgortami karin”.

Sheybaarro badan ayaa ku howlan cilmibaarista tallaalka loogu raadinayo Covid-19.

Tallaallada noocan ah ayaa sida caadiga ah lagu soo saaraa muddo sannado gudahood ah.

“Annagu ma aqbali karno iney jiri doonto cid si gaar ah loogu tixgaliyo arrintaas iyo waddan loogu qaddarin doono dhaqaale ahaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka maaliyadda ee Faransiiska, Agnès Pannier-Runacher, oo la hadlayay idaacadda France’s Sud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa isagana goor dambe bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in tallaalkaas helitaankiisa uu caalamka oo dhan u sinnaan doono.

Horaantii bishan Midowga Yurub ayaa qabtay shir weyne caalamka online looga qayb galiyay, kaasoo lagu dardar galinayay howsha la xiriirta soo saarista dawada coronavirus, waxaana intii uu shirkaas socday lagu yaboohay lacag dhan $8 bilyan oo doolar, oo ay ballanqaadeen 40 waddan iyo hay’ado deeq bixiyeyaal ah.

Dhaqaalahaas ayaa loogu talagalay in lagu maalgaliyo soo saarista tallaalka iyo dawooyinka kale ee Covid-19.

UK ayaa ka mid ahayd dalalkii sida wadajirka ah u martigaliyay shirkaas, laakiin Mareykanka iyo Ruushka kama aysan qeyb galin.

Midowga Yurub ayaa Khamiistii maanta ku adkeystay in dhammaan dalalka ay si isku mid ah u heli doonaan tallaalkaas haddii la hirgaliyo.

“Tallaalka loogu talagalay Covid-19 waa inuu caalamka u wada sahlanaado sida loo helayana waa inay ahaato si siman,” ayuu yiri afhayeen u hadlay golaha Midowga Yurub, oo lagu magacaabo Keersmaecker, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Wadashaqeynta Caalamiga ah

Cilmi baarista ay shirkadda Sanofi ku raadineyso tallaalka Covid-19 waxaa qeyb ahaan maalgalisay laanta horumarinta cilmibaariska iyo dawooyinka ee Mareykanka (Barda).

Laakiin sannadihii ugu dambeeyay Sanofi waxay tobannaan milyan oo euros oo canshuur dhaaf ah ka heshay dowladda Faransiiska, si ay ugu xoojiso cilmibaaristeeda.

Hadalka Mr Hudson uu ku jiri wareysiga lagula yeeshay Bloomberg ayaa kiciyay caro ay muujinayaan siyaasiyiinta garabyada midigta iyo bidixda ee Faransiiska.

Wuxuu sheegay in Sanofi ay canshuur dhaaf ahaan u heshay lacag uu ku qiyaasay €150m (£133m; $162m) iyo kasii badan.

Maanta oo Khamiis ah, madaxa Sanofi ee dalka Faransiiska, Olivier Bogillot, ayaa yiri “Ujeeddadu waa in tallaalkan loo helo Mareykanka iyo sidoo kale Faransiiska iyo Yurub inteeda kale oo isku mar ah.”

Isagoo la hadlayay telefishinka af faransiiska ku baxa ee BFMTV ayuu sheegay in taasi ay suurtagal noqon doonto oo kaliya “haddii ay Yurub si deg deg ah ugu shaqeyso sida Mareykanka oo kale”, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ballanqaadday inay dadaalkan ku bixin doonto malaayiin euros”.

Murankan ayaa soo cusbooneysiiyay warar soo baxay bishii March oo muujinayay in Mareykanka uu isku dayayo inuu iibsado shirkadda tiknoolojiyadda Jarmalka ee CureVac, taasoo qudheeda wadday cilmibaaris ku aaddan tallaalka coronavirus.

Hase yeeshee mas’uuliyiinta CureVac waxay sheegeen inuusan jirin isku day uu Mareykanku kula wareegayo wax soo saarkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiisku wuxuu sheegay inuu la hadlay agaasimaha guud ee Sanofi, Serge Weinberg.

“Wuxuu i siiyay dhammaan macluumaadka muhiimka ah iyo xaqiijinta ku saabsan sida ay Sanofi ka yeeli doonto tallaalkaas,” ayuu yiri”

Bishii lasoo dhaafay Sanofi waxay sidoo kale kaashatay shirkadda Britain laga leeyahay ee GlaxoSmithKline, si ay uga wada shaqeeyaan tallaalka, inkastoo aan wali tijaabooyin la billaabin.

bb
bb

Madaxa howlaha cilmibaarista tallaalka ee Sanofi John Shiver, ayaa yiri: “Waxaan isticmaaleynaa tiknoolojiyad horay usii jirtay oo loo adeegsaday cudurro kale, waxaana u baddaleynaa fayraska cusub ee sababa cudurka Covid-19”.

Tallaalka ugu soo horreeya ee la filayo inuu daweeyo coronavirus ayey suurtagal tahay in tijaabooyin lagu billaabo inta lagu guda jiro lixda bilood ee ugu dambeysa 2020-ka, waxaana la heli karaa lixda bilood ee ugu dambeysa sanadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here