Faransiiska: Mudaharaadayaal dalbanayo nin madow oo ay booliska dileen inuu caddaalad helo

0
16
Mudaharaadayaasha Faransiiska oo dalbanaya Adama Traoré, inuu caddaalad helo

Kumanaan kun oo qof ayaa ku biiray dibedbaxyo ka dhacay dalka Faransiiska kadib dilkii nin madow ah oo gacanta booliska ku dhintay sanadkii 2016ka, dadkan ayaa jebiyay sherciga bandhowga oo ay soo rogen booliska kaas oo lagu sheegay in dadka badan meel fgaaro isugu imaanin cabsi laga qabo faafitaanka cudurka coronavirus.

Dhimashada Adama Traore oo 24 sano jir ah ayaa lala xiriiriyay dilkii loo geystay George Floyd ee dalka Maraykanka, kaas oo dhimashadiisa sababtyay dibedbaxyo waaweyn in dalkaasi ka dhacan.

Rabshado ayaa dhxemaray Booliska iyo dadka Mudaharaadayay ,magaalada Paris naalinkii talaadada.

Taliyaha booliska Paris ayaa diiday in eedeymo cunsurinimo ah lagu soo oogo ciidankiisa.

Bilowgii dibedbaxyada ayaa ahaa kuwa nabad ah, hase ahaate marki dambe wuxuu isu beddelay mid rabshado wata, iyadoo dhagxaan lagu tuuray bilayska oo halka booliskana ay dadka ku kala eryayeen sunta dadka ka ilmaysiiya dib loo furay.

Ku dhawaad labaatan kun oo qof ayaa jebiyay amarka isu imaatinka dadweynaha waxana ka qayb galeen mudaharadyada.

Waxaa sidoo kale banaanbaxyo ka dhaceen magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Marseille, Lyon iyo Lille.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxay ayaa sitay boorar ay ku qoranyihiin noolasha dadka madow waa muhiim, hal-ku-dhiggaas oo ka bilawday dalka Maraykanka ayaa hadda ku faafay caalamka.

Mr Traore ayaa ku dhintay xabsi boolis kadib markii ay soo xireen booliska magaalada Paris.

Mid kamid ah askarta ayaa kooxda baaritaanka sameynaysay u sheegay in labo nin ay si xoog badan dhulka madaxa uga qabteen.

Warbixinno rasmi ah ayaa sheegaya inuu u dhintay wadne xanuuniyo suurta galnimada ah in xaaladiisa caafimad ay aad u hosesay. Khamiistii aynu soo dhafnay raggi ku eedeysanay dilka Mr Traore, ayaa lagu waayay dembigii lagu haystay.

Dhimashadiisa ka dib 2016, mudaaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacayay Paris dhowr maalmood.

Dacwaddiisa ayaa noqotay qaylo dhaan ka dhan ah naxariis darada booliiska ee faransiiska,iyadoo dhalinyarada qowmiyadaha laga tirada badanyahayay sheegen in booliska ay bartilmaameedsadaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here