Adisababa (Saxilnews.com)-Fanaan caan ka ahaa dalka Itoobiya oo lagu magacaabay Hachalu Hundessa, ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa.
Waxaa isla markiiba la geeyay isbitaalka balse wuxuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.
Ra,iisal waasare Abiy Ahmed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Hachalu isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa heesaa “cajiib ah”.
Heesaha uu fanaankan qaadi jiray ayaa badanaa wuxuu uga hadli jiray xoriyadda iyo xuquuqda qowmiyadda Oromada.
Waxaa jira walaac laga qabo in dilkiisa ay dalkaasi ka abuurto xasilooni daro.
Booliska ayaa sheegay inay xireen dad ay ku tuhunsanyihiin dilka fanaanka.
BREAKING: The prominent Oromo musician Hachalu Hundessa has been shot dead on Monday night in the capital Addis Ababa, reports say.Hachalu appeared last week on one of local Tv stations, where >24k people watching him live.
It is not yet clear what really happened.#Ethiopia