Falastiin oo la gaarsiiyay tallaalka Covid-19

0
14

falastiin (Saxilnews.com)-Maamulka Falastiin ayaa bilaabaya barnaamij tallaalka lagu gaarsiinayo shacabka kadib markii halkaas la gaarsiiyay in ka badan 60,000 oo qaruuradood oo tallaalka Covid-19 ah.

Mas’uuliyiinta Falastiin waxay sheegeen in wajiga koowaad ee tallaalka lagu bilaabi doono dadka da’da ah, dadka la daalacayo xanuunada kale iyo shaqaalaha caafimaadka.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa shaley qaatay tallaalka ka hor inta aanan laga bilaabin Daanta Galbeed iyo marinka Qaza.

Israa’iil oo ku dhawaad boqolkiiba 50 tallaalka gaarsiisay shacabkeeda ayaa la kulantay dhaleeceenta ah in tallaalka aysan gaarsiin shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulka ay heysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here