FadeexadIi ugu weynayd Ee Abid ka Dhacda Gobolka Togdheer iyo Diiwaangelintii Burco Gebihaanba isu taagtay Sababo Musuqmaasuq.
Fadeexadi ugu weynayd abid ka dhacda gobolka togdheer iyo diwangelinti Burco Gebihaanba istagtay Maalinti Doorad Ee taarikhdu ahayd 21 bishan April 2015 oo ahayd maalinta la soo gaba gabaynaayay Shirki Dhulka Ee 10 wasiir kaga soo qayb galen Burco ayaa sidii shirku u socday ayaa mar kaliya waxaa lagu war helay hudhelka Cigaal oo shirku ka socday dhalinyaraddi u shaqaynaysay diwaangelinta oo tiradoodu ahayd ilaa 100 ayaa laamigi iyo hudheelkii shirku ka socday is tubay taasi oo sababtay inay soo baxaan wasiirka warfafiinta cabdilaahi Cakuse oo la hadlay dhalinyaradi waxay ka cabanayeen dhalinyaradu in 3 bilood mushaharkoodu ka maqan yahay, wasiirku waxaa ku yidhi samra waa laydin siinaya dabeetana waa iska dhaqaaqay,dhalinyardii oo aan ku qancin hadalka wasiirka ayaa waxay ku Ruqansaden halkii shirku ka soconaayay .waxaa wasiiradi usoo qaybiyeen inuu la hadlo wasiir kuxigeenka amniga wasarada arimaha gudaha Cabdi Camuud oo aad uga cadhooday in dhalinyaradan oo musharkooda la soo qaaday an la soo gadhsiin .waxaanu aad u canantay badhasabka Togdheer oo goobta taagnaa . waxaa dhalinyarada u balanqaday inuu heli doonaan mushaharkoodi Iyo Qaar ka mid ah Cuqaasha Gobolka Togdheer.oo iyana u sheegay in mushaharkoodi la cunay.Dhinaca kale cabashooyinkan ayaa iftiimiyay in aay jiraan wax is daba marin ka jirta Xarunta Gobolka Togdheer waxaanay Wararka aanu ka helayno wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland sheegayaan in Gudi loosoo dirayo Magaalada Burco,ka dib markii aya Maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen cabashooyin kasoo yeedhaya shaqaalaha diiwaangalinta madaniga ah oo sheegay in lacagtoodii laga Musuqmaasuqay isla markaana ay mudo laba Bilood ah sugayeen Mushaharkoodii,sidoo kale waxaa iyana Maalmihii ugu danbeeyay Cabshadaas barabar Socotay Cabasho kale oo kasoo yeedhaysay qaar ka mid ah Cuqaaasha oo iyana ka cabanayay Mushaharkooda,Sarkaal ka mid ah wasaarada arimaha Gudaha oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tilmaamay in arinta ugu muhiimsan ee Gudiga loosoo dirayaa ay tahay sidii Baadhitaan loogu samaynlahaa Musuqmaasuq ay ka cabanayaan Shaqaalaha iyo cuqaasha Gobolkaasi xadiga uu leegayahay. sarakaalku ma cayimin Gudigaaasi tirada uu leegayahay iyo cida uu ka kooban yahay laakiin wax uu farta ku fiiqay in laga war dhawrayo Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha oo Beryihii ugu danbeeyay dalka ka maqnaa.
Wariye Mukhtar Farax Xasan