Dunida horumartay ee ay ku badan yihiin mukhaadaraadka iyo maandooriyayaashu waxa lagu arkaa dad soo jeeda oo humaag been ah, dhalanteedna ah una qaata inay run tahay. Dhibaatadanina qofka waxyeelo ayay u gaysataa.
Magacyo badan ayaa dunidu ula baxdaa. Magacyadaa oo ay sabab uga dhigaan hadba waxa dhaliya. Hase ahaatee waa Alle mahaddii inay Soomaali ka wada badbaday, qaab dhaqameedkeedana aanu ku fidin.
Xulufada isku bahaysatay Jamhuuriyadda Somaliland bilowday weerar magaalada Laascaanood, hadafka ay lahaayeen ee istusay waxa ay ahayd riyo maalmeed dhalanteed ah, oo ay islahaayeen hawlyaraan ayuu idinku hirgali doonaa. Waxa lagu tilmaami karaa in riyadani wax wayn aanay ka duwanayn ta dhalanteedka ah.
Weerarka xulufadu ee Laascaanood waxa uu ahaa mid Jamhuuriyadda Somaliland u quudhiwaayey horumarkeeda, nabada iyo mustaqbalka ee ay wada hiigsanayaan shacbiga reer Laascaanood iyo guud ahaan Sool.
Magaaladu way ka badbaaday burburkii lala rabay, waxaana guusha iyo amaantaba iska leh ciidamada Qaranka Somaliland oo muujiyey jacaylka ay u qabaan shacbiga iyo xilka ka saaran badbaada dalka.
Isbahaysiga xulafadu waxa kaliya ee u uku guulaystay in shacbigii reer Laascaanood ee deganaa inay baro kiciyaan, qixiyaan hantidoodana sumad laawayaali bililiqaystaan.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo ku sugan magaalada Garowe oo waraysi siiyey Hiiraan Online wuxuu todobaadkan yidhi “GOONI ISKU TAAGA SOMALILAND WAX MACQUUL AH MAAHA WAANA DAMBI”.
Ereyadan ka soo baxay garaadka waa mid uu ku dafirayo jiritaanka Qaranimada JSL. Ereyadaasi tolow maxay kaga duwanaan karaan haddii lagu tilmaamo riyo dhalanteed qof soo jeedaa ku riyooday? Miyaanay tusaale u noqon karin wuxuu uu ku taamayey markuu hubka qaata lahaa dadkii deganaa ee reer Laascaanood?
Isla waraysigan wuxuu garaadku ku sheegay in go’aankii magaalada Laascaanood ay kaga dhawaaqeen uu ahaa mid lagu gaadhay shirkii xulufada ee ka dhacay magaalada Jigjiga ee ku taalla dalka Itoobiya.
Waxa ay taasi muujinaysaa in shirkii Laascaanood aanu ahay mid gobolka Sool loogu raadinayo inuu ka mid noqdo goboloda Federalka Somaliya. Waxaanay muujinaysaa in ujeedada shirwaynayaashaasi iyo dhawaaqa dagaal ee Garaadku ahaayeen burburinta JSL taasi oo ah riyo dhalanteed ah oo aan marnaba suurogal ahayn.
Ujeedada fog ee isbahaysigani intaanan u galin waxa qof kasta oo muwaadin ahba la gudboon inuu ogaado arrimahan.
– In khilaaf u dhexeeya JSL iyo reer Laascaanood ahayn mid jira balse iska hor imaadka iyo dagaalku ka dhexeeyo isbahaysiga weerarka soo galay iyo JSL dadkeeda difaacaysa.
– In aragtida siyaasadeed ee kala duwan ee kajira Somaliland uu isbahaysigu u qaatay, mid uu ugu soo gaban karo waxyeelada midnimada shacbiga balse ay ku hodmeen.
– Xulufada kama qarsoonanayn inaanay dagaal kaga adkaan karin JSL balse ujeedadoodu ahayd sumcada dalka sidii ay wax u yeeli lahaayeen. Taasi oo ku koobnayd JSL dagaal baa ka socda.
– Somaliland oo aan qaran madax banaan ahayn ayaa 30 sanno ka hor saaxada siyaasadeed ka saartay taliskii kacaanka.
– Siyaasiyiinta iyo masuuliyiintu ee u dhashay Laascaanood iyo Buuhoodle oo masraxa siyaasadeed ee JSL sheegay inay ka baxeen kama aha nacayb balse waa ka maslaxad.
Waxaan lee yahay mar hadaan khilaaf dalka gudihiisa ka jirin waxa haboon in warbaahinta gaarka ah iy baraha bulshada inta isticmaasha ay si dhab ah uga qayb qaataan difaaca dalka iyo la dagaalanka borobogaandada isla mar ahaantaana ay iska dhawraan inay noqdaan kuwo fuliya borobogaadada. Waxaan lee yahay sida warbaahinta cadowga iyo siyaasiyiinta Somaliya noola dhaqmaan ula dhaqma.
(Xornimadu waa nabada, waa awood, waa qurux, waa horumar, waa gobanimo iyo aragtiyo kala duwan oo dalka loogu danaynayo. Allahayow xaqiiqda jirta adigaanay kaa qarsoonayn oo og, adigaanan ku talo saaranay).