Home Warka Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla Muqdisho

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu qaaday hoteel ku yaalla Muqdisho

0
25

.

Waxaa faafaahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan weerar galabta lagu qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in werarkan uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga ilaa iyo imika inta u khasaaraha dhan yahay.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay booliiska dowladda Soomalaiya dabley hubaysan ayaa gudaha u gashay hotelka halkaasi oo ay ilaa imika ka dhex dagaalamayaan.

“Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa,,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaanka booliiska,

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in halkaasi ilaa iyo imika laga soo badbaadiyay dad badan oo markii weerarku dhacayay gudaha ku jiray.

Hotelka Afrik ayaa ku yaalla agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka lagu qaaday Hotel afrik, sida lagu daabacay bar ay internet-ka ku leeyihiin.

Wixii faahfaahin dheeraad ah halkan ayaad kala socon doontaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here