Wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska qaar ayaa ka faallooday qodobbo badan oo ay ku jirto muhiimadda ay leedahay xubinnimada Turkiga ee NATO inta lagu guda jiro qalalaasaha ka dhashay duullaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine.
Qoraal lagu daabacay wargeyska Financial Times, oo uu qoray nin lagu magacaabo Gideon Rachman, ayaa cinwaan looga dhigay ‘Erdogan nin caro badan balse aan laga maarmin’.
Qoraaga ayaa sheegay in ay muuqato in madaxda waddamada NATO ay ka fikirayaan in Turkiga laga saaro isbaheysiga kaddib markii madaxweynaha Turkiga
Recep Tayyip Erdogan uu ka soo horjeestay in la oggolaado codsiyada Finland iyo Sweden ee ah in ay ku biiraan isbaheysiga, si ay dowladda Erdogan ugu soo gacan geliyaan 73 qof oo ka soo jeeda Turkiga laguna eedeeyay argagixisnimo.
Turkigu wuxuu ka carooday in ay martigeliyaan oo ay garab siiyaan dagaalyahannada Kurdiyiinta. Labadaan dal ee Sweden iyo Finland kuma biiri karaan NATO iyagoo aan taageero ka helin Turkiga.
Erdogan wuxuu horay u sheegay in taasi ay ku xiran tahay sida ay labadan dal u fuliyaan ballankii ay la galeen xukuumadda Ankara.
Sanadkii 2021-kii shirkii cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP26, oo ay isugu yimaadeen dalalka caalamka, loogana hadlayay qorshaha dalalkooda ee la tacaalidda isbeddelka cimilada, ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu diiday inuu ka qayb galo. ‘Sababo amni’ ayuu u tiiriyay xilligaas.
Erdogan ayaa dhowr mar ka carooday tallaabooyin ay qaadeen dalalka siyaasad ahaan ay is hayaan.
Qoraaga ayaa tilmaamay in sababaha uu Turkigu u xiro dadka ka soo horjeeda aan marnaba lagu qanci karin, maaddaama uu xiro iyagoo aan wax caddayn ah oo la taaban karo lagu haynin.
Wuxuu tilmaamay in isbahaysiga NATO uu sheegay in uu ku dhisan yahay difaaca dimuqraadiyadda iyo xuquuqul-insaanka. Laakiin, “in lagu xiro dadka ka soo horjeeda siyaasado iyo eedeymo been-abuur ah waa nooca uu sameeyo Vladimir Putin.”
“Runtii, madaxda Ruushka iyo Turkiga waxay mar walba lahaayeen xiriir dhow,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Wuxuu sheegay in ku biirista NATO ee Finland iyo Sweden ay dhabarjab weyn ku noqon doonto Putin. Sababtoo ah taasi waxay ka dhigan tahay in NATO ay xubno ka yihiin dalalka xuduudda la leh badda Baltic, marka laga reebo Ruushka.
Qoraagu wuxuu xusay in ka saarista xubinimada NATO ee Turkiga, xitaa haddii ay sharci ahaan suurtagal tahay, ay noqon doonto “musiibo istiraatijiyadeed.” Badda Madow waa marinka ugu weyn ee loo maro badda Mediterranean-ka iyo Ukraine iyo Ruushka labadaba.
Wuxuu sheegay in gallayda Ukraine dekedaheeda ka baxda, loona dhoofiyo suuqyada caalamka ay u sii gudbi doonto badda madow oo uu Turkigu maamulo. Wuxuu xusay in kaalintan muhiimka ah uu hoosta ka xariiqayo qabsashada Turkiga ee markab laga leeyahay Ruushka oo la sheegay inuu siday gallay laga soo xaday Ukraine.
Qoraagu waxa uu intaa ku daray in haddii Turkiga laga saaro NATO oo uu noqonayo xulafada dhabta ah ee Ruushka, Ukraine waxay noqon doontaa, dhulka, dal aan bad lahayn, Ruushkuna wuxuu joogi doonaa albaabka Mediterranean.
Waxa kale oo arrintaasi ay muujinaysaa in isku-dheelli tirnaanta amniga ee Bariga Dhexe ay iyana noqon doonto mid aad u adag, maaddaama Turkigu uu leeyahay ciidan badan.
Wuxuu intaa ku daray in inkastoo ay iskula dhaceen Mareykanka dowrkiisa Kurdiyiinta, haddana waxay ka soo horjeedaan isbahaysiga ka dhaxeeya Ruushka iyo dowladda Suuriya.
Qoraaga ayaa sidoo kale sheegay in Turkigu uu magangalyo siiyay qaxooti Suuriyaan ah oo gaaraya 3.7 milyan, kuwaas oo culays ku ahaa dalalka Yurub
Wuxuu tilmaamay in marka la eego muhiimadda weyn ee NATO ee ku wajahan Ruushka, ay aad uga muhiimsan tahay in Turkiga lagu sii hayo dhinaca isbahaysiga.
Qoraaga ayaa sheegay in heerka sicir-bararka Turkiga uu hadda marayo 80 boqolkiiba, taas oo ay ugu wacan tahay maamul-xumada Erdogan ee dhaqaalaha. Lacagta Turkiga ayaa hoos u dhacday in ka badan 60 boqolkiiba labadii sano ee la soo dhaafay.
Waxa kaloo uu sheegay ninka sheekadaan qoray in dalka ay ka jirto dhaqaale-xumo aad u weyn, isla markaana ay jirtay hadal-heyn joogto ah oo ku aaddan in ugu dambeyn uu u baahan doono lacag deyn ah oo uu ka amaahdo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Si looga fogaado musiibo dhaqaale ka hor doorashooyinka madaxtinnimo ee 2023 ee Erdogan wuxuu ku dadaali doonaa inuu guuleysto, waxayna u badan tahay inuu u baahan doono gargaar shisheeye. Tanina waa meesha xulafada NATO ay ku caawin karaan.
Qoraagu wuxuu rumaysan yahay in ku beddelashada kaalmada dhaqaale, ay dhici karto in Turkigu uu qaato mowqif macquul ah oo ku saabsan xubinnimada Finland iyo Sweden ee NATO